Safiirka Dalka Soomaaliya ee wadanka Angola oo waraaqihi Aqoonsiga laga gudoomay

0
Sunday March 13, 2022 - 19:13:09 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 950
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Safiirka Dalka Soomaaliya ee wadanka Angola oo waraaqihi Aqoonsiga laga gudoomay

    Madaxwehnaha dalka angola Mr João Lourenço, waxaa uu warqadaha aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay safiirka Soomaaliya u fadhin doona dalalka Koonfurta Afrika oo ay Angola kamid tahay Danjire Maxamed Cali Mire.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxwehnaha dalka angola Mr João Lourenço, waxaa uu warqadaha aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay safiirka Soomaaliya u fadhin doona dalalka Koonfurta Afrika oo ay Angola kamid tahay Danjire Maxamed Cali Mire.

Daniljire Maxamed Cali Mire oo kamid ahaa Danjireyaasha Magacaaban ayaa si toos ah waraaqihiisa Aqoonsi ugu wareejiyay Madaxweynaha angola, isaga oo u gudbiyay Salaan iyo farriin uu ka siday Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Sidoo kale, Madaxweynaha dalkaas Angola, waxaa uu Magaalada luwanda ee dalka Angola ku qaabilay danjirayaasha Magacaaban ee dalalka Mareykanka, Sacuudiga, Soomaaliya, Israa’iil, Purtugal, Spain, Burundi iyo Indunusia
Danjire Maxamed ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay xoojinta iyo adkeynta labada dowladooda diyaarna u yihiin sidii ay isaga kaashan lahaayeen arrimaha, Amniga, Dhaqaalaha iyo diplimaasiyadda.

Dhankiisa Madaxweynaha angola ayaa tilmaamay in dowladiisa ay diyaar u tahay sare u qaadida xiriirka ay la leeyihiin Soomaaliya ayna diyaar u yihiin in labada dowladood ay wadashaqeyn joogto ah yeeshaan.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip