Soomaaliya oo sanadkaani qorsheyneeso shidaalki ugu horeeyay

0 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 238
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaaliya oo sanadkaani qorsheyneeso shidaalki ugu horeeyay

    Wasiirka Macdanta iyo Batroolka ee dowladda federaalka Soomaaliya, xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in markii ugu horraysay sannadkan 2024 Soomaaliya lagasoo saaridoono shidaalkii ugu horreeyay ee dalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Macdanta iyo Batroolka ee dowladda federaalka Soomaaliya, xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in markii ugu horraysay sannadkan 2024 Soomaaliya lagasoo saaridoono shidaalkii ugu horreeyay ee dalka.

Wasiirka Batroolka oo wareysi siinayay idaacadda BBC Somali, ayaa sheegay in shidaalka lagasoo saari doono 7 xirmo oo xeebaha dalka kuyaala, gaar ahaan degaanada Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.

Wasiirku wuxuu sheegay haatan inay socoto qiimayntii ugu dambeysay ee sahminta shidaalka dalka lagasoo saarayo. iyo sidoo kale wacyi galinta goobaha shidaalka laga qadayo.

Wuxuu sheegay saddexda bilood ee sannadkan ugu dambeeysa in ay bilaaban doonto qodista shidaalka. Haatan wuxuu sheegay in lasoo gabagabaynayo qiimaynta ku aaddan saamaynta deegaan ee goobaha shidaalka lagasoo saarayo.

Soomaaliya ayaa sanadkii 2022 heshiis shidaal baaris ah oo laga sameynayo todobo baloog oo xeebaha ah la saxiixatay shirkad fadhigeedu yahay dalka Mareykanka oo lagu magacaabo Coastline Exploration.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip