Ronaldo oo kala diray Ibra iyo Xulkiisi Sweden (Warbixin)

1
Wednesday November 20, 2013 - 08:25:42 in Sports by Web Admin
  • Visits: 67273
  • (Rating 4.1/5 Stars) Total Votes: 11
  • 14 17
  • Share via Social Media

    Ronaldo oo kala diray Ibra iyo Xulkiisi Sweden (Warbixin)

    Xulka Portugal ayaa iska xaadiriyay Koobka Adduunka iyagoo uga mahadcelinaya Cristiano Ronaldo kaasoo dhaliyay seddexleey kulanka kala baxa Isreebreebka Koobka Adduunka ee ay wajaheen Sweden, inkastoo Ibra uu u dadaalay xulkiisa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xulka Portugal ayaa iska xaadiriyay Koobka Adduunka iyagoo uga mahadcelinaya Cristiano Ronaldo kaasoo dhaliyay seddexleey kulanka kala baxa Isreebreebka Koobka Adduunka ee ay wajaheen Sweden, inkastoo Ibra uu u dadaalay xulkiisa. Portugal oo 1-0 ku soo badisay kulankii lugta hore ee iyada martida loo ahaa ayaa kulankii lugta labaad waxa ay ku badiyeen 3-2, iyagoo ku soo baxay wadar ahaan labada lug 4-2.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa la isla dhaafi waayay barbaro goolal la’aan ah, laakiin qeybtii labaad ayaa Cristaino Ronaldo uu hogaanka u dhiibay Portugal ka dib kubad loo dhex bixiyay.

Waxaana ay ciyaarta u muuqatay mid soo afjarantay madaama ay Sweden u baahneyd markaas inay dhaliso seddex gool si ay u soo baxdo, laakiin xiddigeeda Ibrahimovic ayaa wacdarro dhigay isagoo xulkiisa u barbareeyay ka hor inta uusan laad xor ah hogaanka ugu dhiibin islamarkaana ciyaarta ka dhigin 2-1.

Labada gool ee Ibra ayaana ka dhigtay in ciyaarta ay dib u soo noolaato iyadoo Sweden ay u jirtay inay Koobka Adduunka boos ka heshay kaliya hal gool kale, laakiin riyadii Sweden iyo Ibrahimovic waxaa carro ku shubay kabtanka Portugal Cristiano Ronaldo oo kubad kale oo dhex bixis ah shabaqa ku hubsaday islamarkaana u barbareeyay xulkiisa.

Waxaana uu ciyaarta hurdo u diray daqiiqado ka dib markii uu dhameystirtay seddexleydiisa islamarkaana guusha u sahlay xulkiisa oo ku badiyay 3-2. Waxaana Portugal ay sidaasi ku xaqiijisatay booskeeda Koobka Adduunka.

Seddexleyda uu dhaliyay Ronaldo ayaa sidoo kale ka dhigeysa inay barbareeyay rikoorka ninka abid ugu goolasha badan xulka Portugal ee Pauleta iyagoo haatan wada leh 47 gool.

Ronaldo ayaa sidoo kale ah ciyaaryahankii ugu horeeyay ee isreebreebka Koobka Adduunka qaarada Yurub labo jeer seddexleey ka dhaliya, waxa uu sidoo kale ka soo dhaliyay Ireland.

Dhanka kale xulka Croatia ayaa iyagana xaqiijistay booskooda Koobka Adduunka ka dib markii ay 2-0 kaga badiyeen Iceland iyadoo kulankii lugta hore la isku dhaafi waayay barbaro goolal la’aan ah.

Mario Mandzukic ayaa hogaanka u dhiibay Croatia ka hor inta uusan casaan toos ah qaadan isla qeybtii hore ee ciyaarta, waxaana guusha u xaqiijiyay Darijo Srna oo dhaliyay goolka labaad daqiiqadii 47aad ee ciyaarta.

Greece ayaa iyadana ah wadanka kale ee u soo baxay Koobka Adduunka ka dib barbaro 1-1 la galeen xulka Romania, waxaana Greece ay ku soo baxday wadar ahaan labada lug 4-2.

Source: Laacib
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip