Germalka oo soo Saaray Warbixin ku aadan Kala Noqoshada Jinsiyada ee Dadka Ajaanibta

0
Sunday February 13, 2022 - 13:42:52 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 832
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Germalka oo soo Saaray Warbixin ku aadan Kala Noqoshada Jinsiyada ee Dadka Ajaanibta

    Dowlada Germalka ayaa dhawaan shaacisay inay Fududeeneyso Sida lagu Helo Jinsiyada ama Dhalashada Dalka kadib doorashadii dhawaan wadanka ka dhacday.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowlada Germalka ayaa dhawaan shaacisay inay Fududeeneyso Sida lagu Helo Jinsiyada ama Dhalashada Dalka kadib doorashadii dhawaan wadanka ka dhacday.

iyadoo Arintaasi jirto Dowlada dhanka kale waxay Shaacisay inay jiraan Dad ilaa Hada laga ceshtay Dhalashada wadanka tan iyo markii lasoo saaray sharciga dhigaya in Qofka dib looga ceshan karo Dhalashada hadii lagu qabto falal la xiriira Argagixiso.

 
Inkasta oo wax laga beddelay sharciga jinsiyadda Jarmalka laba sano ka hor, isla markaana dhigaya in qaar ka mid ah dagaalyahannada Jarmalka ah laga qaado jinsiyaddooda, haddana ma jiro qof weli lumiyay baasaboorkiisa, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha gudaha ee Berlin oo la hadashay wakaaladda wararka Jarmalka ee dpa.

Afhayeen u hadlay wasaaradda ayaa u sheegay wakaaladda in dowladda Jarmalku aysan weli ka war-helin kiisas uu qofku ku waayay dhalashadiisa, marka loo eego in uu ka qaybqaatay falal cadawtinimo ah oo urur argagixiso ah oo dibadda ah.

Dalka Germalka oo kamid ah Wadamada ugu adag Yurub xaga helista Dhalashada ayaa markii ugu horeeyay Fududeeyay waxana la filayaa in dad badan helaan hadii ay buuxiyaan sharuudaha horyaala.

Somaliska.com

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip