Norway oo Sharciga kala noqotay 44 Caruur ah.

0
Saturday February 19, 2022 - 20:55:58 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 679
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Norway oo Sharciga kala noqotay 44 Caruur ah.

    Hay'ada Qaxootiga dalka Norway ee loo soo gaabiyo UDI ayaa 44 carruur ah dib ugala noqotay jinsiyadda Norway labadii(2) sano ee ugu danbeysay, sida uu qoray TV2.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hay'ada Qaxootiga dalka Norway ee loo soo gaabiyo UDI ayaa 44 carruur ah dib ugala noqotay jinsiyadda Norway labadii(2) sano ee ugu danbeysay, sida uu qoray TV2.

Sida caadiga ah tani waa in a dhicin , waana arrin qeylo-dhaan sare mudan in laga muujiyo , sida ay qabto Hay,adda NOas oo ah hayadda qaxootiga ee Norway.

Baarlamaanka Norway ayaa sanadkii 2020 ansixiyay xeer sheegaya in ilmaha aan laga celin karin jinsiyadda Norway, sababo la xiriira danbi ay waalidkiis galeen ama warbixin qalad ah oo ay waalidku bixiyeen.

TV2 ayaa weydiiyey UDI tirada caruurta ah ee laga celiyay jinsiyadda Norway, kadib markii uu dhaqan-galay sharcigaas cusub oo baarlamaanku ay ansixiyeen bishii January ee sanadkii 2020.

Sidaas oo ay tahay UDI ayaa heshay sabab ay ula noqdaan jinsiyadda carruur tiradoodu gaaryso 44 ilaa xilligaas. Waxaa kaloo intaa sii dheer 3-xaaladood oo carrurtii qaangaar noqdeen markii go,aanka la gaaray.

Kjersti Trøseid oo ah madaxa baarista ee UDI-da ayaa sheegtay in hey´addu ay ilmo ka celin karto jinsyadda Norway, hadii xiriirka iyo la qabsiga Norway uu yahay mid aan adkeyn. Waxeyna sheegtay in qiimeynta go´aanka kala noqoshadu jinsiyadda ee ilmaha uu yahay mid lagu qiimeynayo xiriirka uu ilmuhu ku leeyahay Norway.

Laakiin hay,adda Noas ayaa u aragtay in tiradu tahay mid fajac ah, waxayna u arkaan in waaxda cadaaladdu ka dalbato agaasinka soogaleetiga inay bixiyaan sharraxaad. Intaa waxaa dheer in 50 carruur ah oo sugaaya go´aan ay halis ugu jiraan inay waayaan jinsiyadda.

UDI ayaa sheegtay in qusayso carruuro yayryar oo aah lahayn ama ku lahayn xiriir adag Norway ama kuwa aan weligoodba deganaan Norway ama kuwo dibadda ula guuray waalidkood.

Hase ahaatee markii TV2 weydiiyey da,´da carruurta waxaa soo baxday in 29 ka mid ah caruurtu ay ka weynaayeen 6 jir markii go,aanka laga gaaray, 8 ka mid ahina ay haayeen inta u dhexaysa 12-17 sano.

Waaxda caddaalddu waa inay sharraxaad ka dalbadaan UDI, sharraxaadaas oo ku saabsan maxaa dhacay sidee sharciga loo turjumay, iyo sida xaaladda carruurtani ay ahayd, haddii taa la waayono waa in barlamaanka loo gudbiyo oo markaa barlamaanku weeydiiyo siday horay u sameeyeen arrimo khuseeyey kiisaska ama macaamalaadka carruurta ayuu yiro PÃ¥l Nesse oo ka tirsan Noas

70% carruurta jinsiyadda lagala noqday ayaa Norway degganaa in ka badan 5 sano markii go,aanka la gaaray.

Norsomews.


 
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip