Dadka reer Muqdisho oo ay heesato laba darran mid dooro!

0
Thursday April 15, 2021 - 17:59:06 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 2264
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dadka reer Muqdisho oo ay heesato laba darran mid dooro!

    Kadib go'aanki lagu kala qeybsamay ee golaha baarlamaanka isla markaana uu meel mariyay madaxweynaha soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi farmaajo ayaa waxa mar qura ladareemay gugac siyaadeed oo ee muujiyanayaan dhinacyada isaga soo hor jeeda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kadib go'aanki lagu kala qeybsamay ee golaha baarlamaanka isla markaana uu meel mariyay madaxweynaha soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi farmaajo ayaa waxa mar qura ladareemay gugac siyaadeed oo ee muujiyanayaan dhinacyada isaga soo hor jeeda siyaasada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Madaxdi hore ee dalka iyo qaar kamid ah maamul goboleedyada oo dhinac ah ayaa arintaa ku tilmaamay mid aan laga fiirsan isla markaana dhaawac xoogan ugeysaneeso hanaanki qori isku dhiibka ahaa ee dalka lagu soo hogaamin jiray.

Dhinaca kale ee muxaafadka dowlada ayaa iyagana marna ku hadlin hadal dabacsan iyagoo kutilmaamay go’aanka baarlamaanka iyo saxiixa madaxweynaha mid dalka loogu hiilinayo isla markaana aan loo baahneen in talada dalka loo daba fariisto cid kasto gaar ahaan siyaasiyiinta sida aadka ah uga soo horjeedo siyaasada madaxweynaha uu dalka ku hogaaminayo.

Hadaba waxa iminka soo shaac baxday hadalheyn xoogan oo ka imaanayo dhanka maamulka Puntland oo lafilayo iney dhawaan qabtaan shirweyne aad ubalaaran oo lagu kulminaayo dhamaan siyaasiyiinta iyo madaxda kazoo horjeedo hab dhaqanka dowlada Soomaaliya, iyadoo maamulka puntland xusul duub ugu jiro sida uu shax siyaasadeed halka uga ciyaari lahaa taasi oo ah in maamulka dowlada ee fadhiyo Muqdisho aan loo baahneen wixi iminka ka dambeeyo in loo daba fariisto masiirka dalka.

Shaxdaan cusub ee Garowe laga maleegayo ayaa salka kuheyso tartanka ee kula jirto magaalada caasimada ah ee Muqdisho ayaa waxa sidoo kale looga faa’iideesanayaa qaabka ee dowlada Soomaaliya iminka ula dhaqmeesyo siyaasiyiinta iyo shacabka reer Muqdisho ee sida xoogan uga soo horjeedo hab dhaqanka dowlada.

Dhanka kale madaxda dowlada dhexe ee Soomaaliya oo xusul duub xoogan kala dhaxeeyo maamul goboleedyada HIrshabeele-Galmudug iyo Konfur galbeed ayaa waxey maanka kuhaysaa sida ee usawir xumeen laheyd siyaasiyiinta kasoo hor jeeda iyadoo had iyo jeer goob walba ka sheegto in dowladaani ee tahay tii mudnaanta siisay reer Muqdisho isla markaana ee diyaar ulayihiin maqaam kasta ee mudan yihiin halka dhinaca kale ee marna diyaar aheyn in Muqdisho ee hesho xaqeeda.

Siyaasiyiinta mucaaradka ah oo ay u horeeyaan madaxdi hore ee dalka mudane Xasan Sheekh, Sheekh Shariif, Kheyre, Cabdiraxman Cabdishakuur iyo dadka Muqdisho ee kasoo horjeeda dowlada Farmaajo ayaa waxa heesato iminka laba daran mid dooro oo ah iney aqbalaan dhaq dhaqaaqa Garowe wado oo ah iney noqoto xarun kulmisa mucaaradka kazoo horjeeda dowlada Soomaaliya isla markaana la qiro in Muqdisho noqotay baahalo galeen ama ee Muqdisho ka abaabulaan mucaarado xoogan oo lag ayaabo inuu dhiig ku daato isla markaana qasaaro kazoo gaaro dadka reer Muqdisho.

Ifafaaladu ma qurxana ee Ramadaanka fadligiisa allow dalka Sallaamayeel.

Shabakada Warsheekh.com

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip