Madaxweynaha Yukreyn oo kadhawaajiyay hadal saameen kuyeeshay Reer Yukreyn iyo Caalamka intiisa kale

0
Sunday March 20, 2022 - 22:22:19 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 648
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Yukreyn oo kadhawaajiyay hadal saameen kuyeeshay Reer Yukreyn iyo Caalamka intiisa kale

    Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa ku tilmaamay go'doominta uu Ruushka geliyay magaalada dekedda leh ee Mariupol "argagax aan maskaxdooda ka bixi doonin qarniyo" halka maamulka Mariupol uu sheegay in kumanaan qof si xoog ah l

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa ku tilmaamay go'doominta uu Ruushka geliyay magaalada dekedda leh ee Mariupol "argagax aan maskaxdooda ka bixi doonin qarniyo" halka maamulka Mariupol uu sheegay in kumanaan qof si xoog ah looga saaray halkaas.

.

XIGASHADA SAWIRKA,REUTERS

Madaxweynaha Ukraine Zelensky wuxuu ka codsaday Israa'iil inay hub siiso dalkiisa, wuxuu su'aal geliyay sababta Israa'iil aysan cunaqabateyn ugu soo rogin Ruushka kadib muuqaal toos ah uu kala hadlayay baarlamaanka Israa'iil.

"Toddobaadkii la soo dhaafay, dhowr kun oo qof oo degganaa Mariupol ayaa loo musaafuriyay dhulka Ruushka," maamulka magaalada ayaa ku yiri bayaan uu soo dhigay barta uu ku leeyahay Telegram-ka.

Duqa magaaladaas ayaa ciidamada ku soo duulay ku eedeeyay inay si sharci darro ah kumannaan qof oo magaalada ku sugnaa u geeyeen gudaha Ruushka. Ma jirto cid xaqiiijisay warkaas.

Xukuumadda Kyiv ayaa Moscow ku eedaysay inay si bareer ah Arbacadii u duqaysay tiyaatarka oo hooy u ahaa boqolaal qof oo rayid ah, eedeyntaas oo uu beeniyay Ruushka.

Eedeymahan si madax banaan looma xaqiijin karo.

Ilaa 400,000 oo qof ayaa ku xayiran Mariupol in ka badan laba toddobaad, maamulka wuxuu sheegay in duqeymaha Ruushka ay horseedeen inay meesha ka baxaan adagyadii muhiimka sida korontada, cuntada iyo biyaha.

Khasaaraha ka dhashay duqeymaha Ruushka

XIGASHADA SAWIRKA,REUTERS

Qoraalka sawirka,

Khasaaraha ka dhashay duqeymaha Ruushka

Shaqaalaha samatabixinta ayaa wali dad nool ka baadigoobaya tiyaatarka Mariupol, oo maamulka maxalliga ah ay sheegeen in duqeymaha Ruushka ay dhulka la simeen tiyaatarka. Ruushka wuxuu beeniyay in uu beegsaday dad rayid ah.

"Waxaa waddooyinka magaalada ka socdaa dagaal" ayuu yiri duqa magaalada Mariupol Vadim Pushenko.

"Magaalada waxaa ku sugan Taangiyo, madaafiicda , iyo hubka noocyadiisa kala duwan, ciidamadeena waxa ay sameynayaan wax walba oo ay ku qabsan karaan fariisimaha ay ku sugan yihiin, nasiib daro waxaa naga badan ciidamada cadowga" ayuu hadalkiisa ku daray Boychenko.

Tiro ka mid ah dadkii rayidka ahaa ee ay u suurtagashay in ay ka baxsadaan magaalada ayaa ku tilmaamay xaalad aad u daran, maadaama korontadii iyo biyihii ay go'een, isla markaana uu gabaabsi noqday keydkii raashinka.

Xubin ka tirsan baarlamaanka Ukraine Yaroslav Zeleznyak ayaa BBC u sheegay: "Laba toddobaad ka dib, cunno ma haysan doono, dukaamadana waa la xiri doonaa, markaa waxaan u fikireynaa in aan wax raadsanno ama laga yaabaa in aan soo xado cunto haddii kale cunto la'aan ayaa u dhimanayaa"

Qaar kamid ah dadka kooban ee ka baxsaday magaalada Mariupol ayaa sheegay in xaalad adag ay halkaa ka jirto, isla markaana ay biyaha iyo korontada ka go'an yihiin magaalada.

Ukraine waxay sheegtay in Ruushka uu duqeeyay tiyaatar ay ku sugnaayeen 400 qof

XIGASHADA SAWIRKA,REUTERS

Qoraalka sawirka,

Ukraine waxay sheegtay in Ruushka uu duqeeyay tiyaatar ay ku sugnaayeen 400 qof

Gantaallada guuxa ka dheereeya

Afhayeen u hadlay milateriga Ukraine ayaa xaqiijiyay in Ruushka uu duqeyn ku ekeeyay xarun hubka lagu keydiyo oo ku taalla galbeedka waddankaas. Waxaa se uu xaqiijin waayay in gantaalka Ruushka uu goobta ku duqeeyay uu yahay nooca hypersonic ee guuxiisa ka dheereeya.

Wasaaradda gaashaandhigga ee Ruushka ayaa kal hore sheegtay inay markii ugu horreysay dagaalka Ukraine u adeegsadatay gantaal noocaas.

Ruushka ayaa la rumaysan yahay inuu caalamka ku hogaaminayo samaynta hubkaas khatarta, oo sidoo kale ay haystaan waddamada Maraykanka iyo Shiinaha.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa amaanay hubkan casriga ah ee ugu magac daray 'il-ma-qabato'.

Gantaalada kale ee guuxooda ka dheereeya ee uu heysto Ruushka waxaa kamid ah noocyada kala ah Zirkon iyo Avangard


BBC
 
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip