Beesha Caalamka oo walaac kamuujisay madaxda Soomaalida

0
Wednesday April 27, 2022 - 15:04:20 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1727
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Beesha Caalamka oo walaac kamuujisay madaxda Soomaalida

    Beesha caalamka oo bayaan soo saartay, ayaa ku baaqday in geeddi-socodka lagusoo gababageeyo si nabdoon. Waxyna soo dhoweysay doorashadii Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku-xigeennada Aqalka Sare ee qabsooontay 26ka Abriil 2022.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Beesha caalamka oo bayaan soo saartay, ayaa ku baaqday in geeddi-socodka lagusoo gababageeyo si nabdoon. Waxyna soo dhoweysay doorashadii Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku-xigeennada Aqalka Sare ee qabsooontay 26ka Abriil 2022.

Beesha caalamka waxay ku boorrisay madaxda Soomaaliya inay is-xakameeyaan, khilaafaadkana ay ku xalliyaan isu-tanaasul, kana fogaadaan sii hurinta dhacdo kasta oo waxyeelayn karta dhameystirka geeddi socodka doorashada.

"Kadib dib-u-dhacii dheeraa ee uu lasoo kulmay geeddi-socodka doorashada Soomaaliya, waa in aan loo oggolaan xiisadaha siyaasadeed iyo dhacdooyinka amni inay carqaladeeyaan marxaladda ugu dambeysa ee geeddi-socodka,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay beesha caalamka.

Bayaanka kasoo baxay beesha ayaa kusoo aadaya, iyadoo maanta loo madlan yahay in la qabto doorashada guddoonka barlamaanka, inkastoo uu khilaaf xooggan ka taagan yahay xildhibaannada gobolka Gedo inay ka qeyb galaan doorashada.

Lama oga inay maanta qabsoomi karto doorashada guddooonka barlamaanka, inkastoo guddiga doorashada uu ku adkaysanayo in doorashada la qabanayo.


 
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip