Beesha Caalamka oo soo faragelisay kuraasti leesku heestay ee Baarlamaanka

0
Saturday April 09, 2022 - 14:44:46 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1360
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Beesha Caalamka oo soo faragelisay kuraasti leesku heestay ee Baarlamaanka

    Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa soo farageliyay muranka ka taagan hakinta afarta kursi ee baarlamaanka, kadib markii guddiga doorashada uu buriyay natiijada kuraastan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa soo farageliyay muranka ka taagan hakinta afarta kursi ee baarlamaanka, kadib markii guddiga doorashada uu buriyay natiijada kuraastan.

Guddoomiyaha guddiga doorashada Muuse Geelle iyo xubno kale oo ka tirsan guddiga ayaa James Swan uga warbixiyay halka ay marayaan soo gabagabeynta doorashada socota oo maalmo kooban ay ka harsan tahay 14-ka bishan April oo lagu wado in la dhaariyo xildhibaannada cusub iyo senetarada cusub.

Bartiisa twitter-ka wax yar ka dib kulanka, ayuu Swan ku xaqiijiyay inuu ku booriyay guddiga doorashada "inay helaan hab lagu xalliyo arrimaha ku xeeran afarta kursi ee FEIT aysan cadeyn si geeddi-socodku u soo gabagabeyn karo dib u dhac kale".

Warar aan helayno waxay sheegayaan in Ergeyga Qaramada Midoobay uu dabada ka riixaya in xayiraada laga qaado kursiga Fahad Yaasiin iyo kuraasta kale.

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa madaxda Soomaaliya ugu baaqay inaysan dhaarinta barlamaanka ka dib dhicin 14ka Abril.

Maamulka Koonfur Galbeed oo leh saddex kamid ah kuraasta la hakiyay ayaa todobaadkii hore sheegay in aysan la shaqeyn doonin Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, iyagoo ku eedeeyay inuu carqalad ku yahay habsami u socodka doorashada.



SOURCE: Hiiraan


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip