Qeybo kamid ah Beesha Abgaal oo aad isugu heesta kamid noqoshada Baarlamaanka.

0
Sunday December 19, 2021 - 23:32:45 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 915
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qeybo kamid ah Beesha Abgaal oo aad isugu heesta kamid noqoshada Baarlamaanka.

    –Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu qabtay shirweyne ay isugu yimaadeen beelaha Cabdalla-Caroone iyo Nuugaane-Caroone ee Abgaal, kaas oo looga arrinsaday aayaha labada kursi ee tirsigoodu yahay Hop141 iyo Hop146.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

–Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu qabtay shirweyne ay isugu yimaadeen beelaha Cabdalla-Caroone iyo Nuugaane-Caroone ee Abgaal, kaas oo looga arrinsaday aayaha labada kursi ee tirsigoodu yahay Hop141 iyo Hop146.

Beelahaan ayaa ka digay cawaaqib xumada ka dhalan karta boob ay sheegeen inay ku heyso beesha Maxamed-Caroone oo ay wadaagaan kuraasta golaha shacabka, waxayna beelaha kale ee Mudulood ka dalbadeen inay soo faro-geliyaan khilaafka ka taagan labadaas kursi.

Shirkii maanta ee labadaas beelood ayaa laga soo saaray war-murtiyeed ay si wadajir ah u soo saareen waxgaradka Cabdalla-Caroone iyo Nuugaane-Caroone oo ka kooban lix qodob, kuwaas oo kala ah:

1 – Shirweynihii koowaad kadib waxaa labadaan beelood ee walaalaha ah ka codsaday inay fursad siiyaan si arrintaan uu u xaliyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif, oo safar ku tegay degmada Cadale.

3 – Mudo lix bilood ah kadib, oo dadaalo xoog leh uu arrintaan ku bixiyey Madaxweynihii hore Sheekh Shariif, waxay natiijadu noqotay inuu ku guul dareystay inuu xaliyo is qabqabsiga kuraastaas.

4 – Beelaha walaalaha ah ee Cabdalla-Caroone iyo Nuugaane-Caroone waxay gaarsiiyeen cabashadooda ku aadan kuraasta kala ah, Hop141 iyo Hop146, cid kasta oo ay quseydo doorashada dalka, sida ra’iisul wasaaraha, guddiyada doorashooyinka iyo maamulka HirShabeelle.

5 – Beelaha walaalaha ah ee Cabdalla-Caroone iyo Nuugaane-Caroone waxay ku bogaadinayaan madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe sidii hufnaanta laheyd ee doorashadii Aqalka Sare uu u qabtay, waxayna ka rijeynayaan in si taas lamid ah uu u maareeyo doorashada golaha shacabka, si gaar ah kuraasta Suul-Harti ee muranku uu ka taagan yahay.

6 – Beelaha walaalaha ah ee Cabdalla-Caroone iyo Nuugaane-Caroone waxay baaq u dirayaan walaalahooda kale ee kala ah, Harti Abgaal, Wacbuudhan Abgaal, Warculus Abgaal iyo guud ahaan beelweynta Mudullood, inay ogaadaan dulmiga iyo cadaalad darrada beesha Maxamed-Caroone iyo cawaaqib xumada ka dhalan karta.

Baayaanka ayaa ugu dambeyntii waxaa lagu yiri, "Beelaha walaalaha ah ee Cabdalla-Caroone iyo Nuugaane-Caroone waxay ka digayaan cawaaqib xumada ka dhalan karta isku dayga beesha Maxamed-Caroone oo boobeysa kuraasta naga dhaxeysa, waxaan guddiyada doorashada uga digeynaa inay aqbalaan ergo hal dhinac ah, HirShabeelle waxaan uga digeynaa in la qabto doorashada Suul-Harti Abgaal, iyadoo aan la isku waafaqin, waxuuna maamulku qaadi doonaa mas’uuliyada natiijadii ka dhalata arrintaas.”


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip