Madaxtooyada oo xulatay mudanaha Beesha Galmaax kumatali doono Baarlamaanka. (Xog Xasaasi ah)

0
Sunday January 02, 2022 - 15:28:05 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 645
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxtooyada oo xulatay mudanaha Beesha Galmaax kumatali doono Baarlamaanka. (Xog Xasaasi ah)

    Xili hakad kooban kuyimid tartanka kamid noqoshada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxa halkeedi kasii socotay gulufka xoogan ee madaxtooyadda ugu jirto sidee ugu guuleesan laheed shaqsiyaadka kamid noqonayo baarlamaanka cusub.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xili hakad kooban kuyimid tartanka kamid noqoshada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxa halkeedi kasii socotay gulufka xoogan ee madaxtooyadda ugu jirto sidee ugu guuleesan laheed shaqsiyaadka kamid noqonayo baarlamaanka cusub.

Dadaalada madaxtooyada ee ugu jirto sida ee markale dib ugu soo noqon lahaayeen talada dalka ayaa waxa hogaaminayo taliyihi hore ee nabadsugida qaranka mudane Fahad Yaasiin.

Mudane Fahad ayaa sameeyay kooxo ka kala socda inta badan beelaha Soomaalida kuwaasi oo galaangal xoogan ka geli kara hadba sida ee uriixi lahaayeen mudanaha ee u arkaan in si fudud looga dhax soo saari karo beeshiisa.

Warar hoose ee heshay Shabakada Warsheekh oo la xiriiro kursiga Beesha galmaax ee kuleeyihiin barlamaanka kaasi oo iminka madaxtooyada si weyn ula dooneeso mudane dhankooda kasocda.

Kursigaan oo ah kursiga kaliya ee Beesha Galmaax kuleedahay labada golle ee baarlamaanka ayaa waxa uu iminka umuuqdaa mid ee sii qorsheesteen madaxtooyada cida kuguuleesan laheed.

Mudanayaal dhowr ah oo isugu jiro rag iyo dumar ayaa durba banaanka keenay damaca ee kaleeyihiin kursiga kaliya ee beesha galmaax oo ah beel siweyn udegta gobolada Banaadir iyo labada Shabeele.

Dhamaan utartamayaasha kursigaani oo durba lala kala xiriiryay dhinacyada isku haya siyaasada dalka kuwaasi oo kasoo kala jeeda Afar Galmaax haba ugu badnaadeen Cumar Galmaax "Celli iyo Mataan", Hasa yeeshe damaca madaxtooyada ayaa iminka dooneyso loolanka udhaxeeyo beelahaan uga faa-iideestaan isla markaana soo saaraan mudane kasoo jeedo Beesha Yuusuf Galmaax, kaasi oo lagu magacaabo Yuusuf Cabdi Cabdulle (Yuusuf Jaale)
Yuusuf Jaale ayaa wuxuu kamid yahay dadka aad ugu dhaw dhaw madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, isagoo hore usoo noqday agaasimaha hey’adda Saadaasha iyo duulista Hawada Soomaaliya, sidoo kale waxa uu mar soo noqday guddoomiye kuxigeenka Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Sidoo kale Mr Yuusuf Jaalle ayaa horay madax uga ahaa Ololaha doorashada ee Madaxweyne Farmaajo, waxaana lagu tilmaamaa inuu yahay nin shaqo badan oo af gaaban, horayna uga soo baxay shaqooyinka loo dhiibay.

Musharaxiinta kasoo kala jeeda Jilibyada Yuusuf Galmaax iyo Cabdulle Galmaax oo kamid ah afar Galmaax ayaa umuuqdo kuwa aad uga tira yar marka labar bardhigo labada jillib ee kale, taasi oo usahli karto damaca madaxtooyada in mudanaha ee doonayaan si fudud usoo saaraan taasi oo usii sahleeso habacsanaan xoogan oo iminka kadhax jirto gudaha beesha.

Kursiga kaliya ee Beesha Galmaax oo hore loogu tiri jiray mid mucaarad ah ayaa waxa hore uga fadhiday Marwo Mine Xasan Shibis oo iyadana sida la rumeesan yahay damac uga jiro in markale ee dib usoo laabato hasa yeeshe ilaa iyo hada si rasmi ah uguma dhawaaqin damaceeda siyaasadeed..

Tartanka kursiga Beesha Galmaax ayaa iminka kale marxalad aad xasaasi u ah, waxana idin balan qaadeena inaa dib idinkala socodsiino wixi kusoo krodha.

Warsheekh Muqdisho.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip