Sidee ayuu ekaan doonaa hubka lagu dagaalami doono mustaqbalka?

0
Tuesday January 04, 2022 - 20:55:08 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 904
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sidee ayuu ekaan doonaa hubka lagu dagaalami doono mustaqbalka?

    Sannadkii dhammaaday ee 2021-ka waxaa marqaati laga noqday isbeddel aasaasi ah oo dhanka siyaasadda difaaca ah ee UK. Miisaaniyadda tignoolajiyada, sirdoonka casriga ah iyo internetka ayaa sii kordhaya. Laakiin miisaaniyada agabkii qaddiimiga iyo tir

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sannadkii dhammaaday ee 2021-ka waxaa marqaati laga noqday isbeddel aasaasi ah oo dhanka siyaasadda difaaca ah ee UK. Miisaaniyadda tignoolajiyada, sirdoonka casriga ah iyo internetka ayaa sii kordhaya. Laakiin miisaaniyada agabkii qaddiimiga iyo tirada ciidamada ayaa hoos u sii dhacaysa.


Waxaas oo dhami waxay dhacayaan iyadoo ciidamada Ruushku ay isku urursanayaan xudduudaha Ukraine, Ruushku wuxuu dalbanayey in Nato ay ka baxdo qaar ka mid ah dalalka xubnaha ka ahaan jiray, Shiinaha ayaa si isa soo taraysa ugu baaqaya soo celinta Taiwan - mar kale haddii loo baahdo.

Colaadaha gobollada yaryar ee adduunka oo dhan ayaa sii xoogeysanaya. Itoobiya ayaa dagaal sokeeye ayaa ka socda, dagaalka gooni-goosadka ah ee Ukraine ayaa galaaftay nolosha in ka badan 14,000 oo qof tan iyo 2014-kii, mucaaradka Suuriya ka dagaalamaya ayaa weli wada dagaal ka dhan ah xukuumadda, sidoo kale kooxda isku magacawday Dawladda Islaamka ayaa sii wada weeraro ay ka geysanayaan qaybo badan oo Afrika ah.

Hase yeeshee muxuu mustaqbalka noqonaya, quwadaha waaweyn ee reer galbeedku se diyaar ma u yihiin caqabadaha soo socda?

16-kii Nofembar, Ruushka ayaa hawada sare ku tijaabiyay gantaal, isagoo burburiyay mid ka mid ah dayax gacmeedkiisa. Shiinahana waxa uu tijaabiyay gantaalladiisa xawaarahooda dheereeya, kuwaas oo awood u leh inay ku socdaan xawaare ka dheereeya xawaaraha jabaqda.

Labada nooc ee hubka xawaarihiisu sarreeyo

.

Michele Flournoy waxa ay ahayd madaxii siyaasadda Pentagon-ka ee Maraykanka xilligii Madaxweyneyaashii Clinton iyo Obama. Waxa ay aaminsan tahay farogelinta reer Galbeedka ee Bariga Dhexe labaatankii sano ee la soo dhaafay ay u horseedday inay sare u qaadaan tayada iyo tirada ciidamadooda.

"Waxa aanu joognaa xilli anaga - Maraykanka, Ingiriiska iyo xulafadayada - aanu ka soo baxayno 20-kii sano ee aanu la dagaalamaynay argagixisada, dagaaladii Ciraaq iyo Afgaanistaan, ayaa waxaanu markii aan madaxa kor u soo qaadnay kor ogaanay in aanu ku jirno xaalad adag." ayay tidhi.

"Markii aan diirada saarnay Bariga Dhexe," ayay yiri, "waddamadani waxay barteen xeeladaha dagaalka ee Reer Galbeedka. Waxayna bilaabeen inay si weyn u maalgashadaan tignoolajiyada cusub."

.

XIGASHADA SAWIRKA,JM EDDINS JR / US AIR FORCE

Inta badan waxaas ayaa loo aaneynayaa dambiyada dhanka internetka -weerarada khalkhalka geliyay bulshada Reer Galbeedka, carqaladeeya doorashooyinka, xatooyada xogaha xasaasiga ah.

Balse ka warran haddii xiisadda hadda u dhaxaysa Reer Galbeedka iyo Ruushka ee Ukraine, ama tan u dhexeeysaa Maraykanka iyo Shiinaha ee la xiriirta arrinta Taiwan ay isu beddesho dagaal? Sidee taasi u ekaan doontaa?

"Waxaan u maleynayaa in taasi ay ku dhici karto jawi aad degdeg u ah oo si weyn ugu tiirsan shabakadaha," Meia Nouwens, oo ah cilmi-baare ka tirsan Machadka Caalamiga ah ee Tababarka Istaraatiijiga (IISS) oo diiradda saaraya isticmaalka xogta Shiinaha ee isbadelka milatariga.

"Milateriga Shiinaha waxa ay abuureen ciidan cusub oo loo yaqaan Ciidanka Taageerada Istaraatiijiyadda kaas oo ka shaqeeya meelaha fog fog, dagaalka tiknoolajiyadda iyo awoodda internetka."

Maxay tani ka dhigan tahay?

Waa in waxyaabaha ugu horreeya ee dhacaya ay marka hore noqdaan dagaalka dhanka internetka ah kaas marka dambe sare u sii qaadi doono cadaawadda labada dhinac ka dibna noqon doonto weerar weyn oo gacan ka hadal ah.

Waxaa jiri doona isku dayo uu midba midka kale ku xayiyarayo iyadoo la carqaladeynayo isgaarsiinta, oo ay ku jiraan dayaxgacmeedyada, ama xitaa la jarayo fiilooyinka muhiimka ah ee biyaha hoostooda mara ee gudbiya xogta.

Khatarta ugu weyn ee militariga ayaa noqon doonta iska-horimaadka . Haddii dayax-gacmeedyadaadu aysan la xiriirin fiilooyinkaada dhulka hoostiisa ah ee aan hubin waxa dhacaya, markaas way adagtahay in la qorsheeyo tallaabo kale.

Hal arrin oo door weyn ka ciyaari karta dagaallada mustaqbalka waa sirdoonka casriga ah. Tani waxay si weyn u soo dedejin kartaa go'aan qaadashada iyo jawaabta taliyeyaasha, taasoo u oggolaanaysa inay si dhaqso ah u akhriyaan macluumaadka.

.

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Laakin waxaa jirta hal aag oo Reer Galbeedku ay halis ugu jiraan in ay kaga dambeeyaan Ruushka iyo Shiinaha, waa gantaalaha xawaarahoodu dheeraya ee hypersonicee awooda badan.

Ruushka ayaa ku dhawaaqay tijaabo uu sheegay inuu guuleystay tijaabo gantaalkiisa Zircon hypersonic, isagoo ku dhawaaqay inuu ka adkaan karo nidaam kasta oo difaaca ah oo ku yaalla meel kasta oo adduunka ka mid ah.

Hubka Shiinaha ee Dong Feng 17, ayaa markii ugu horreysay la soo bandhigay sannadkii 2019-kii, waxa uuna xambaaraa gantaal dheereeya oo la yirahdo (HGV) kaas oo si taxadar leh ugu wareegaya hawada sare, adagtahayna in la joojiyo.

Tijaabooyinkii ugu dambeeyay ee nidaamyada Mareykanka si wanaagsan uma dhicn. Hubkan yaalla bakhaarrada Shiinaha ayaa hadda Maraykanka ka dhigaya inuu laba jeer ka fikiro inuu dagaal galo si uu u ilaaliyo Taiwan haddii Shiinuhu go'aansado inuu ku duulo.

.

XIGASHADA SAWIRKA,GIANCARLO CASEM /


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip