Mid kamid ah xildhbaannada lagu doortay Baladweyne oo ka hadlay muuqaal laga faafiyay isagoo ku sugan deegaannada Alshabaab

0
Friday April 15, 2022 - 12:11:24 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 2374
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mid kamid ah xildhbaannada lagu doortay Baladweyne oo ka hadlay muuqaal laga faafiyay isagoo ku sugan deegaannada Alshabaab

    Xildhibaan Cali Xaaji Aadan Abuubakar, oo ka mid ah xildhibaannadii Golaha Shacabka ee shalay xilka loo dhaariyay, ayaa ka hadlay muuqaal baraha bulshada lagu faafiyay isagoo ku sugan deegaannada Alshabaab.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaan Cali Xaaji Aadan Abuubakar, oo ka mid ah xildhibaannadii Golaha Shacabka ee shalay xilka loo dhaariyay, ayaa ka hadlay muuqaal baraha bulshada lagu faafiyay isagoo ku sugan deegaannada Alshabaab.

Xildhibaanka Cali Xaaji ayaa la arkayay muuqaal isagoo ku sugan goob fogaare ah oo kutaala tuulada Ceel cali ee gobolka Hiiraan, isagoo u mahad celinayay Alshabaab.

Xildhibaanka ayaa sheegay muuqaalkaas inuu ahaa sannadkii 2014, xilli macalimiin uu geynayay dugsiga sare ee Ceel Cali, isagoo sheegay inuu kamid ahaa guddi qurbo joogtu u wakiilatay horumarinta deegaankaas.

Wuxuu sheegay dad kasoo horjeeday doorashadiisa inay isku dayeen inay muuqaalkiisa ka dhigaan mid dhow oo ay ku shaabadeeyaan inuu xiriir laleeyahay ururka Alshabaab, si looga reebo tartanka barlamaanka.

"Kalmad dheer oo aan furitaanka dugsiga sare ee Ceel Cali ka jeediyay oo aan qeyb yar oo kamid ah ugu mahad celiyay maamulka meesha ka taliya, oo aan iri Wiilaayaatka Islaamiga ah, ayaa lasoo jartay, Waxaana la isku dayay xilligii ololaha lagu jiray in dad ila tartamayay igu dhibaateeyaan,” ayuu yiri xildhibaanku.

Xildhibaankan waxa uu sheegay inuusan waligiis wax xiriir ah la yeelan Alshabaab, isagoo sheegay inuu haatan ka shaqeynayo sidii dadka uu matalo ee ku hoos nool Alshabaab loo gaarsiin lahaa adeegga dowladda.

HOL
 
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip