Donald Trump oo laga qaaday Xasanadii

0 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 126
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Donald Trump oo laga qaaday Xasanadii

    Maxkamad ku taalla dalka Mareykanka ayaa Madaxweynihii hore ee dalkaas Donald Trump ka qaaday xasaanadii madaxweyne hore, waxaana lagu dacweyn karaa eedeymo la xiriira inuu qorsheynayay inuu meesha ka saaro doorashadii Mareykanka ee 2020.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamad ku taalla dalka Mareykanka ayaa Madaxweynihii hore ee dalkaas Donald Trump ka qaaday xasaanadii madaxweyne hore, waxaana lagu dacweyn karaa eedeymo la xiriira inuu qorsheynayay inuu meesha ka saaro doorashadii Mareykanka ee 2020.

Hasayeeshee xukunka maanta ka soo baxay maxkamadda Washington DC ayaa meesha ka saaray sheegashada iyo doodaha Donald Trump.

Go’aanka maxkamadeed ee maanta soo baxay wuxuu dib u dhac ku yahay Trump oo sanado badan soo xiganayay xasaanadda madaxweyne hore, isagoo la dagaallamaya kiisas badan.

Donald Trump ayaa la filayaa in uu racfaan ka qaato xukunka, taas oo la micno ah in kiiska uu ugu dambeyntii u gudbi karo maxkamadda sare, halkaas oo muxaafidku ay ku heystaan aqlabiyad 6-3 ah.

La-taliye sare Jack Smith ayaa Trump oo 77 jir ah ku soo oogay dacwad ah in uu maleegayay in uu meesha ka saaro guushii Joe Biden ee doorashadii 2020 iyo in uu sameeyay wax isdaba marin, si uu xafiiska u sii joogo.

Waxay dib u dhici kartaa in go’aankaas la gaaro dhowr toddobaad haddii aysan bilo noqon, wuxuuna kiiskaan ku soo dhamaanayaa Maxkamadda Sare ee dalka Mareykanka.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip