Garoonka Boosaaso oo ee xirteen Ciidamadi lagu soo tababaray Eritrea

0 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 121
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Garoonka Boosaaso oo ee xirteen Ciidamadi lagu soo tababaray Eritrea

    Ciidamo kagadooday mushaar la'aan oo isugu soo baxay magaalada Boosaaso ee maamul goboleedka Puntland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamo kagadooday mushaar la'aan oo isugu soo baxay magaalada Boosaaso ee maamul goboleedka Puntland.

Ciidamadan oo ah kuwa tababarka kusoo qaaday dalka Eritriya, ayaa dhowr bilood ka hor markii dalka dib loogusoo celiyay waxay qeybtooda kasoo jeeda Puntland tageen magaalooyinka Garowe iyo Boosaaso, iyagoo lagu daray ciidamada mariiniska Puntland ee uu taageero Imaaraatka Catabta.

Maanta ayay ciidankan la wareegeen kantaroolka laga galo garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso, iyagoo halkaas kusoo rogay Bandow ka dhan ah dhaqdhaqaaqa garoonka diyaaradaha Boosaaso.

Falkaan ayaa kusoo beegmay xilli magaalada Boosaaso uu maanta ka dhacay qarax sida wararku sheegayaan uu ku dhaawacmay sarkaal katirsan ciidamada Puntland, ilaaladiisa iyo dad shacab ah.

Gaari uu la socday taliyaha ayaa lala eegtay qarax miinada dhulka lagu qariyo. Lama oga cidda ka dambeysa, inkastoo qaraxyadii dhawaanahaan ka dhacayay magaalada Boosaaso ay sheegteen kooxda Alshabaab.

Amniga Boosaaso ayaa aad laga deyrinayaa xilli laamaha ammaanku ay dhawaan sheegeen inay qaadayaan tallaabooyin amni oo lagula dagaalamayo kooxaha Shabaab iyo Daacish.









Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip