Dowlada Austria oo Qabatay Dad Qaxooti ah oo Sanduuq lagu soo Qariyay

0
Sunday February 13, 2022 - 13:42:51 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1000
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowlada Austria oo Qabatay Dad Qaxooti ah oo Sanduuq lagu soo Qariyay

    Booliiska dalka Austria ayaa sheegay in ay qabteen dad tahriibayaal ah oo lagu soo dhex qariyay sanduuq lasoo galiyay gaari xamuul ah oo ka yimid dalka Romania.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Booliiska dalka Austria ayaa sheegay in ay qabteen dad tahriibayaal ah oo lagu soo dhex qariyay sanduuq lasoo galiyay gaari xamuul ah oo ka yimid dalka Romania.

Siddeed qof oo tahriibayaal ah oo la helay Arbacadii ayaa la ildaran hypothermia halka qaarkood ay dhinteen.

 
Booliiska Austria ayaa Arbacadii (February 9) sheegay in ay heleen siddeed qof oo Turkiga ka timid lagu soo qariyay sanduuq kaas oo ku xidhnaa qaybta hoose ee gaadhi yar oo u dhow xadka Hungary. Waxay aaminsan yihiin in sanduuqa loo isticmaalay in lagu qaado daraasiin kale safarro nafta halis gelinaya oo qaatay ugu yaraan lix saacadood.

 
Darawalkii waday gaariga xamuulka ah oo 39 jir ah una dhashay dalka Turkiga ayaa la xiray kadib markii lagu eedeeyay inuu ka ganacsanayay. Booliska ayaa sheegay in uu qirtay in uu sameeyay sideed safar oo la mid ah.

Siddeedda qof ee muhaajiriinta ah ayaa la xiray waxaana la sheegay in dhamaantood ay dalbadeen magangalyo.

Somaliska
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip