Macalin Maxamuud oo shaaca kaqaaday arimo xasaasi ah!

0
Tuesday November 09, 2021 - 11:28:40 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 762
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Macalin Maxamuud oo shaaca kaqaaday arimo xasaasi ah!

    Guddoomiyaha Ahlu Sunna Wal Jamaaca, Sheekh Maxamuud Sheekh Xasan Faarah oo wareysi siiyay laanta Af Soomaaliga ee BBC-da ayaa faahfaahiyay qaabka ay ku galayaan wadahadalo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Ahlu Sunna Wal Jamaaca, Sheekh Maxamuud Sheekh Xasan Faarah oo wareysi siiyay laanta Af Soomaaliga ee BBC-da ayaa faahfaahiyay qaabka ay ku galayaan wadahadalo.
 

"Ahlu Sunna waxa ay leeyihiin doorka Ra’iisul Wasaarenimo ee maamul goboleedka, halka dhanka kalena ay u dhaafayaan doorka madaxweynaha”.ayuu yiri Sheekh Maxamuud.
Mar wax laga weydiiyay Sheekh Maxamuud haddii uu dhici waayo wadahadal waxa ay sameyn doonaan.

"Xalku waa in la wada fariisto oo qof walba xaqiisa laga hadlo. Haddii wadahadal nalala gali waayo waxaan iska wadaneynaa dowladnimadeenna, ciddii nasoo weerartana waan iska celineynaa.”

Sheekh Maxamuud ayaa nasiib darro ku tilmaamay dagaalkii khasaaraha dhaliyay ee ka dhacay Guriceel, balse waxa uu sheegay inuu ahaa mid iyaga lagu soo qaaday.

 
Sheekh Maxamuud Sheekh Xasan ayaa dhanka kale sheegay in Ahlu Sunna ay aqoonsan tahay maamulka Galmudug.

Hase yeeshee waxa uu si kulul uga hadlay su’aal laga weydiiyay sababta haddii ay aqoonsan yihiin maamulka Galmudug ay u tageen Guriceel iyagoo hubeysan.

"Guriceel waa gurigeennii, Dhuusamareeb waa gurigeennii, anigan kula hadlaya ayaa ku dhashay, Sheekh Maxamed Shaakir baa ku dhashay, xagey ka timaaddaa wax dowlad la yiraahdo oo dhaheysa dadku dalka ma imaan karaa? dowlad ma tahay marka horeba?”.

Ciidamada Ahlu Sunna ayaa waxa ay weli ku sugan yihiin qeybo kamid ah gobolka Galgaduud gaar ahaan deegaanka Bohol oo aan ka fogeyn xarunta dowlad goboleedka Galmudug.

Xigsho; BBC
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip