Wasiirki hore arimaha Dibada oo shaaca ka qaaday cidi kadambeesay..

0
Sunday November 21, 2021 - 18:19:19 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 729
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirki hore arimaha Dibada oo shaaca ka qaaday cidi kadambeesay..

    Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, ayaa sheegay in ay fajac ku noqotay xil ka qaadistii xalay lagu sameeyay, xilli uu sheegay inuu madaxweynaha iyo raysal wasaaraha ka sugayay in ay wax ka qabtaan tabashooyin

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, ayaa sheegay in ay fajac ku noqotay xil ka qaadistii xalay lagu sameeyay, xilli uu sheegay inuu madaxweynaha iyo raysal wasaaraha ka sugayay in ay wax ka qabtaan tabashooyin uu u gudbiyay.

Wasiir Cabdirsaaq Maxamuud ayaa wareysi uu bixiyay ku sheegay in todobaad ka hor uu madaxda dalka u gudbiyay inuu diyaar u yahay inuu xilka iska casilo, haddii aan wax laga qabanin arrimo uu ka cabanayay.

Wuxuu sheegay casilaadiisa inuu ka dambeeyo madaxweyne Farmaajo, wuxuuna sheegay in lagusoo beegay sannad kadib, isagoo u dabaal dagayay guulo waa-wayn oo uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka gaartay siyaasada arrimaha dibadda ee dalka.

Wasiirku wuxuu sheegay in madaxda dalka ay ka diideen inuu icasilo, taas beddelkeedna ay kala hadleen in ay xallinayaan waxyaabaha tabashadiisa ah, kuwaas oo ay saxaafadu wax ka weydiisay, balse uu ka gaabsaday.

"Waxyaabaha jiray, annaga hoos baan uga wada hadalnay, waxaan islahaa waa wax si fudud ku dhammaan kara. Laakiin nasiib darro m aysan noqonin. Waxaan qofka iga dambeeya u rajeynayaa guul,” ayuu yiri wasiir hore.

Si kastaba ha ahaatee, wasiirkii hore ee arrimaha dibadda, ayaa qorshaynaya inuu iskusoo sharraxo xildhibaan katirsan golaha shacabka, sida uu wareysigiisa ku sheegay, sidoo kale xilka madaxweynaha oo uu mar iskusoo sharraxay wuxuu sheegay inuu la sugayo waqtigiisa.

Raysal wasaare rooble ayaa xalay xilka ka qaaday, isagoo ku beddelay booskiisa agaasimaha madaxtooyada Soomaaliya, Cabdi Muuse Siciid.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip