Dowlada Soomaaliya oo markale shaaca ka qaaday arimo hoose.

0
Saturday May 08, 2021 - 13:23:52 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 628
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowlada Soomaaliya oo markale shaaca ka qaaday arimo hoose.

    Wasiirka arrimaha dibedda xilka sii-haya ee Soomaaliya Maxamed Cabdrisaaq ayaa sheegay in dowladda federaalka ay dedejin doonto qabashada doorashooyinka dalka si looga hortago xasillooni darro, loogana dhaadhiciyo dalalka deeqaha bixiya inay fasaxaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka arrimaha dibedda xilka sii-haya ee Soomaaliya Maxamed Cabdrisaaq ayaa sheegay in dowladda federaalka ay dedejin doonto qabashada doorashooyinka dalka si looga hortago xasillooni darro, loogana dhaadhiciyo dalalka deeqaha bixiya inay fasaxaan lacagaha ay ka joojiyeen dowladda.


Maxamed Cabdirisaaq ayaa u sheegay warbaahinta Bloomberg ee Mareykanka in lacagtan deg deg loogu baahan yahay si loo bixiyo mushaharka shaqaalaha dowladda iyo ciidamada ammaanka.

Dowladda federaalka ayaa aad ugu xiran kalamada deeq bixiyayaasha, ayada oo dakhliga gudaha kasoo xarooda uu ka yar yahay bar ka mid ah miisaaniyadda sanadka ee xukuumadda.

Waxay sanadkan heshay kaliya bar ka mid ah 100 milyan oo euro ama 120 milyan oo dollar, oo Midowga Yurub uu ballan-qaaday inuu sanad kasta ku taageeri doono muddo saddex sano ah, ayada oo inta kale laga hakiyey.

Dowladda ayaa ka digtay halista xasillooni darro sare u kacda, haddii aan la buuxin firaaqa dhanka miisaaniyadda, oo ay awoodi weyso inay iska bixiso mushaharka.

"Haddii dowladda aysan awoodin inay sii waddo inay bixiso mushaharaadka shaqaalaha rayidka ah, iyo gaar ahaan ciidamada amniga, tani waxay gaysan kartaa dhaawac weyn,” ayuu yiri Maxamed Cabdirisaaq. "Waxaan hadda wadnaa wada-hadallo ku saabsan in lacagtaas lasoo fasaxo.”

Midowga Yurub kama jawaabin email ay u dirtay Bloomberg si ay arrintan uga jawaabaan.

Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa la filayaa inuu 20-ka May wada-hadallo ku saabsan qabashada doorashooyinka la yeesho madax goboleedyada, markaasi oo haddii heshiis lagu gaaro lagu dhowaaqi doono xilliga ay doorashooyinka dhacayaan.

"Waxay ku dhici karaan 90 maalmood gudahood, marka muddada la qabto,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibedda xilka sii-haya.

Caasimada.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip