Mas'uul sare oo katirsan Israa'iil oo kashifay arimo sir ah oo laxiriiro dagaalka Gaza.

0 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 133
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mas'uul sare oo katirsan Israa'iil oo kashifay arimo sir ah oo laxiriiro dagaalka Gaza.

    Xubin muhiim ah oo ka tirsan golaha dagaalka ee Israa'iil ayaa ku eedeeyay Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu inuusan ka run sheegin hadafyada militari ee dalkaas ee Gaza.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xubin muhiim ah oo ka tirsan golaha dagaalka ee Israa'iil ayaa ku eedeeyay Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu inuusan ka run sheegin hadafyada militari ee dalkaas ee Gaza.

Mr Netanyahu ayaa si cad u diiday baaqyada Mareykanka ee ah in laga fekero mustaqbal dal ay Falastiin yeelato, wuxuuna ku adkeystay in dagaalku uu socon doono "ilaa laga gaaro guul dhammeystiran”.

Balse Gadi Eisenkot – oo wiilkiisa lagu dilay Gaza – ayaa sheegay in dadka u ololeynaya "ka adkaansho dhab ah” oo Xamaas laga adkaado "aysan ka hadleynin runta”.

Janaraalkan howlgabka noqday ayaa sidoo kale sheegay in Netanyahu uu wax ku leeyahay mas’uuliyadda ku guul-darreysashada in dalka laga difaaco weerarkii 7 Oktoobar wuxuuna ku baaqay doorashooyin cusub, isagoo xusay inaysan "aaminaad” ka dhex jirin hoggaanka haatan ee Israa’iil.

Xamaas ayaa dishay qiyaastii 1,300 oo qof waxayna qafaalatay 240 kaddib weerar kedis ah oo ay ku qaadday koofurta Israa’iil.



Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip