Sharma'arke Dhuubow: Waa kuma Soomaaliga sida heerka sare ah looga maamuusay Canada?

0
Sunday February 13, 2022 - 13:28:07 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 968
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sharma'arke Dhuubow: Waa kuma Soomaaliga sida heerka sare ah looga maamuusay Canada?

    Sannad walba bisha February, waxa dalka Canada laga xusaa muunaynta taariikhda dadka madow ee dalkaa ku dhaqan, waxaana mararka qaarkood dhacda in dadka qoomiyadahaas ka soo jeeda ee wax la taaban karo u qabta bulshada loo aqoonsado shakhsiyaad lagu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sannad walba bisha February, waxa dalka Canada laga xusaa muunaynta taariikhda dadka madow ee dalkaa ku dhaqan, waxaana mararka qaarkood dhacda in dadka qoomiyadahaas ka soo jeeda ee wax la taaban karo u qabta bulshada loo aqoonsado shakhsiyaad lagu dhererin karo kuwii hore ugu suntanaa taariikhda.

Hadaba nin dhalinyaro ah oo sannadkii 2012 qaxootinimo ku tagay dalkaas ayaa intii uu Canada joogay waxtarkii uu bulshada u yeeshay la garowsaday oo lagu maamuusay shaqooyinkii uu ka qabtay is dhexgalka bulshada iyo inuu dadka soo galootiga ah ka caawiyo sidii ay u degi lahaayeen dalkaas intii uu la shaqaynayy hay'adda qaxootiga ee Canada.

Sharma'arke Dhuubow oo Soomaali ah ayaa lagu daray liiska shakhsiyaadka ku suntan sooyaalka Canada, waxaana uu sheegay in tallaabadaas ay tahay guul u soo hoyatay Soomaalida. Waxaa aqoonsigaas siisay waaxda Canadian Heritage oo dalkaas u qaabilsan muunaynta taariikhda iyo dhaqanka.

"Tobankii sano ee la soo dhaafay waxaan dedaal ugu jiray in aan horumariyo dadka danyarta ah [ee Canada ku nool] si ay noolashooda u wanaagsanaayo," ayuu Sharma'arke u sheegay BBC.

 

Sharma'arke ayaa kamid ah sideed qof oo qowmiyadda madowga ka soo jeeda, kuwaas oo loo aqoonsaday inay waxtar u leeyihiin bulshada. Dadka liiska kula jira waxaa kamid ah haweeneyda qaada heesaha jazz-ka ee Eleanor Collins iyo Viola Davis Desmond oo u ololeysa xuquuqda madaniga ah.

Ka bood Twitter boggan, 1

Dhammaadka Twitter boggan, 1

Ka hor inta uusan sanadkii 2012 qaxootinnimo ku tagin Canada, Sharma'arke ayaa muddo labaatan sano ah waxa uu ku noolaa waddamada Kenya, Itoobiya iyo Masar.

Sanadkii 2018 ayuu helay xuquuqda ah inuu ka codeyn karo doorashooyinka Canada, waxaana isla sanadkaas loo doortay inuu kamid noqdo golaha deegaanka ee magaalada Victoria. Waxa uu noqday qofkii madow er ugu horreeyay ee muddo 150 sano ah xil noocaas ah ku guulaysta.

"Magaaladan Victoria waa caasimadda gobolka British Colombia waxaa ku nool Soomaali aad u yar oo qiyaastii dhan 50 qof, xitaa dadka madow ee ku nool kama badna 1%, marka dadka halkan ku nool ayaa ii codeeyay oo arkay dedaalkayga iyo waxa aan qaban karo," ayuu Sharma'arke u sheegay BBC.

Waxa uu sheegay in mudadii uu ku jiray golaha Victoria uu wax badan ka qabtay arrimaha la xiriira cunsuriyadda iyo sinnaan la'aanta bulshada dhexdeeda ah.

Sanadihii dambe Soomaali badan ayaa xilal siyaasadeed iyo kuwo hogaaminta bulshada ah ka qabtay dalka Canada. Waxaa kamid ah Axmed Xuseen oo ah wasiirka guriyeynta, horayna u soo noqday wasiirka socdaalka.

BBC Somalia
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip