Warqad qoraal ah oo loo diray Ra’iisal Wasaare Maxamed Rooble oo nuqul ka mid ah sidoo kale la gaarsiiyey Beesha Caalamka, ayey Madaxda Beesha Xawaadle kaga digeen in Ciidamada la geeyey Beledweyne uu madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo u isticmaali rabo boobka kuraasta taala Beledweyne.

"Waxaan rumeysannahay in ciidamada qalabka sida ee la geeyey Beledweyne ay tahay fal daandaansi ah oo keeni kara iska hor imaad dhex mara bulshada Hiiraan, taasoo keeni karta barakac iyo amni darro hor leh, xilli in ka badan laba milyan oo shacabka Soomaaliyeed ah ay qarka u saaran yihiin inay macluul u dhintaan halka kala bar Soomaalida ay wajahayaan cunto yari,” ayaa lagu yiri qoraalka lagu qoray warqadda.

Sidoo kale warqadda ayaa walaac looga muujiyey in ciidamada la geeyey magaalada Beledweyne aysan hoos imaan talisyada ciidamada, islamarkaana aan lasoo marsiin Wasaaradda Amniga iyo habraacyada ciidamada loo dajiyey.

Warqadda ayaa sidoo kale lagu sheegay inay isku aaday hadalkii dhawaan ka soo yeeray madaxweyne ku xigeenka maamulka Goboleedka HirShabelle ee ahaa in dhammaan kuraasta baarlamaanka Beledweyn ay "ku guuleysanayaan” musharaxiin ay iyagu doortaan, beeluhuna aysan wax door ah ku yeelan doonin.

"Waxaan rumeysannahay inuu xiriir ka dhaxeeyo ciidamada la geynayo Beledweyne iyo hadalka ka soo yeeray madaxweyne ku xigeenka HirShabelle ee ahaa in doorashada lagu shubtay aysan ahayn wax iska yimid oo kaliya balse uu yahay qorshe uu soo abaabulay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo si uu saameyn ugu yeesho natiijada doorashada,” ayay yiraahdeen hoggaamiyeyaasha beesha Xawaadle.

Saalax Saciid