Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Israa'iil oo gudaha u galay Isbitaalka Ibn Sina January 30, 2024 0

0 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 217
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Israa'iil oo gudaha u galay Isbitaalka Ibn Sina January 30, 2024 0

    Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Israa'iil oo u labisan sida shaqaalaha caafimaadka, ayaa Talaadadii gudaha u galay Isbitaalka Ibn Sina ee ku yaalla magaalada la haysto ee Jenin ee daanta galbeed, waxayna dileen saddex nin oo Falastiini a

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Israa'iil oo u labisan sida shaqaalaha caafimaadka, ayaa Talaadadii gudaha u galay Isbitaalka Ibn Sina ee ku yaalla magaalada la haysto ee Jenin ee daanta galbeed, waxayna dileen saddex nin oo Falastiini ah, sida ay sheegeen saraakiisha Israa'iil iyo Falastiiniyiinta.

Xamaas ayaa sheegtay in raggan ay ahaayeen dagaalyahannada Jenin Brigades, oo ah dallad ay ku mideysan yihiin kooxaha hubeysan ee Falastiiniyiinta ee ku sugan Daanta Galbeed.

Ciidamada difaaca Israa’iil (IDF) ayaa sheegay inay yihiin argagixiso xiriir la leh Xamaas iyo Islamic Jihad.

Ciidamada ayaa si gaar ah u galay Isbitaalka, waxayna u dhaqaaqeen dabaqa saddexaad, waxayna dileen dhalinyaradaasi,” sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Falastiin ee WAFA oo soo xiganaysa ilo-wareedka gudaha isbitaalka.

Labo wiil oo walaalo ah, Mohammed Al-Ghawazi iyo Basel Al-Ghawazi, ayaa sidoo kale lagu dilay weerarka, kuwaasoo Israel ay ku tilmaantay hawl-wadeenno "argagixiso”.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip