Beesha Caalamka iyo qilaafka madaxda dowladda Soomaaliya

0
Monday December 27, 2021 - 11:14:52 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 586
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Beesha Caalamka iyo qilaafka madaxda dowladda Soomaaliya

    Safaaradaha Dowladaha Maraykanka iyo Ingiriiska ee caasimada dalka Soomaaliya Muqdisho ayaa taageeray baaqii Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee uu todobaadkan iclaamiyay Ra'iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Safaaradaha Dowladaha Maraykanka iyo Ingiriiska ee caasimada dalka Soomaaliya Muqdisho ayaa taageeray baaqii Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee uu todobaadkan iclaamiyay Ra'iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Qoraal la soo dhigay bogga safaarada Maraykanka ee Twitterka ayaa lagu sheegay in wadahadalada todobaadkan ay yeelanayaan Madasha ay muhiim u yihiin dardargelinta hannaanka doorashada iyo sixitaanka khaladaadka la arkay.

Sidoo kale safiirka Dowlada Ingiriiska ee dalka Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay waxa ay ku sheegtay inay taageereyso baaqa ra’iisul wasaare Rooble.

"Waxaan sii wadeynaa in aan taageerno baaqyada ku aadan shirka golaha wada tashiga qaran ee ka dhacaya muqdisho. madashan muhiimka ah waa meesha khilaafka iyo arrimaha looga hadlayo.”ayay tiri Safiirka Ingiriiska u fadhida Soomaaliya Kate Foster.

Taageerada uu u muujiyay Maraykanka kulanka uu iclaamiyay Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa timid kadib markii uu maanta Rooble uu kulan fogaan arag ah la yeeshay wakiilada beesha caalamka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u xaqiijiyay Wakiilada Beesha Caalamka in shirka furmaya ay diiradda ku saari doonaan ilaalinta hufnaanta doorashada iyo sixitaanka, ku dhaqanka habraacyada doorashada iyo soo saaridda jadwal ay ku caddahay waqtiga ay soo gabagaboobeyso doorashada .

dowladaha maraykanka iyo ingiriiska oo ku taageeray rooble qabashada shirka golaha wadatashiga qaran
dowladaha maraykanka iyo ingiriiska oo ku taageeray rooble qabashada shirka golaha wadatashiga qaran



Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip