Waxgaradka beesha Waceysle oo maraayo tijaabo Culus.

0
Wednesday November 24, 2021 - 18:05:37 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 923
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waxgaradka beesha Waceysle oo maraayo tijaabo Culus.

    Kadib is qab qabsiga xoogan ee udhaxeeyo mid kamid ah tartanka kuraasta baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxa uu gilgilay dhamaan baraha bulshada ku kulanto.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kadib is qab qabsiga xoogan ee udhaxeeyo mid kamid ah tartanka kuraasta baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxa uu gilgilay dhamaan baraha bulshada ku kulanto.

Kursigaani oo ee musharaxiinta iskuheesato ee ugu cad cad yihiin taliyihi hore ee nabadsugida qaranka mudane Cabdiraxman Tuuryare iyo taliyaha nabadsugida iminka mudane Yaasiin Farey.

Mudane tuuryare iyo qaar kamid ah utartamayaasha kursigaani ayaa waxey cod dheer kusheegeen iney muuqato hanaan lagu doonayo in lagu boobo kursigaani isagoo sidoo kale tilmaamay in la afduubayo hogaanka dhaqanka.

Mudane Farey oo aan si toos ah warbaahinta ula hadlin isla markaana latuhunsan yahay in madaxtooyada gadaal ka taagan tahay ayaa waxa isaga iyo kooxdiisaba xusul duub ugu jiraan sidi kursigaani ee ku heli lahaayeen, iyadoo dagaal badan loo gelin.

Koox dhalinyaro ubadan oo kasoo jeedo Beesha Waceysla ayaa dhankooda muujiyay sida ee ugu walaacsan yihiin habacsanaanta ka jirta beesha gudaheeda gaar ahaan jilibka Macalin Dhiblaawe.

Beesha Waceysle oo ah beel sumcad weyn kudhax leh belweynta Mudulood iyo guud ahaan beelaha Soomaaliyeed ayaa umuuqato iney iminka marayaan tijaabo aad uculus taasi oo laga tusaale qaadan karo habka ee umaareeyaan kursigaani muranka iyo qilaafka xoogan dhaliyay.

Dhanka kale qilaafka beesha soo kala dhax galay ayaa waxa si gaar ah loogu dhaliilayaa madaxtooyada Soomaaliya oo la rumeesan yahay iney dhaqaalo badan kubixineeso kala fur furka gudaha beesha iyadoo ee umareyso qaar kamid ah odoyaasha Beesha kuwooda aadka unugul.

Sidoo kale Maamulka Galmudug ayaa siweyn loogu dhaliilay hanaanka oo umaamalaayo tartanka doorashada golaha baarlamaanka iyadoo siyaasiyiin caan ah ee durba farta kufiiqeen xalka arintaani iney tahay iyadoo beelaha aan ku qanacsaneen Galmudug ee kutartamaan deegaanada ee awooda kuleeyihiin.

Wixi kusoo kordha wararka doorashada dib ayaa idinkal socod siin doonaa.

Warsheekh Muqdisho



Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip