Madaxweyne Farmaajo oo loo mariyay Fariin siyaasadeed oo culus.

0
Saturday May 01, 2021 - 13:33:41 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 661
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Farmaajo oo loo mariyay Fariin siyaasadeed oo culus.

    Qaar ka mid ah xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa ugu baaqay madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in uu xilka iska casilo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaar ka mid ah xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa ugu baaqay madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in uu xilka iska casilo.

Madaxweynaha ayaa la filayaa in uu maanta khudbad xasaasi ah oo la xiriirta xaalada dalka gaar ahaan dhacdooyinkii ugu danbeeyay ee magaalada Muqdisho uu ka horjeediyo Golaha Shacabka, isaga oo ka dalban doona sida wararku sheegayaan in Baarlamaanku ka laaabto go'aankii carrada badan dhaliyay ee muddo kororsiga.

Xildhibaan Idiris Dhakhtar oo wariyaayaasha kula hadlayay gudaha hoolka Golaha Shacabka ayaa ugu baaqay madaxweyne Farmaajo in uu is casilo, madaama sida uu hadalka u dhigay loo adkaaday arrimaha siyaasadda.

Wuxuu sheegay in ay muhiim tahay in dalka la badbaadiyo sida uu hadalka u dhigay, madaama wali jidadka qaar magaalada Muqdisho u go'an yihiin siyaasiyiinta mucaaradka.

Kulanka maanta ee Golaha Shacabka ayaa ah mid siweyn isha loogu hayo iyo go'aanka Golaha Shacabku uu ka qaadan doono doorashada iyo in dib loogu laabto hannaankii 17kii September, madaama siweyn looga horyimid qorshihii muddo kororsiga ee 12kii April ay meelmariyeen.
 
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip