Habacsanaan Mucaaradka oo Markale Fursad Siineeso Soo Laabashada Madaxweyne Farmaajo. (Warbixin)

0
Friday February 04, 2022 - 14:14:42 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 644
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Habacsanaan Mucaaradka oo Markale Fursad Siineeso Soo Laabashada Madaxweyne Farmaajo. (Warbixin)

    Sida caadiga ah ee aduunka kadhacda waxa jiro saadaalin lasameeyay xiliyada lagu guda jiro doorashooyinka, iyadoo saadaalinta laga sameeyo hadba guux siyaasadeedka kadhax jira dhinacyada isku haya tartanka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sida caadiga ah ee aduunka kadhacda waxa jiro saadaalin lasameeyay xiliyada lagu guda jiro doorashooyinka, iyadoo saadaalinta laga sameeyo hadba guux siyaasadeedka kadhax jira dhinacyada isku haya tartanka.

Hadaba xooraansi ee shabakada Warsheekh kusameesay musharaxiinta mucaaradka ah ee utaagan tartanka madaxtinimada Soomaaliya iyo madaxweyne Farmaajo ayaa waxa ee sheegayaan in sare ukacday rajada in markale dib loo doorto Madaxweyne Farmaajo kadib marki kala shaki xoogan soo kala dhaxgalay dhinacyada mucaaradka kuwaasi oo iminka umuuqdo kuwo aan meel isku sheegin.

Madaxweyne Farmaajo iyo kooxdiisa ayaa umuuqda kuwa aan wili kala qeybsamin isla markaana hal ujeedo leh ayaa isu qeybiyeen, sida xogaha aan ku heleeno dhamaan maamulada gobolada iyagoo xusul duub ugu jira si walba oo ee ahaataba soo xiro gelinta xildhibaanada cusub.

Xogta ee shabakada Warsheekh, sidoo kale heshay ayaa waxey tilmaameesaa in dhanka dhaqaalo kubixinta doorashada ee gaartay halki ugu sareesay taasi oo niyad jab kurideyso muwaadiniin dhowr ah oo xaga jeebka aan ubaabac dhigi karin qarashaadkaan xoogan.

Dhanka kale Musharaxiinta mucaaradka oo indhawaalaba ahaa kuwa kasiman mucaaradnimada Farmaajo, "ayee ku adkaatay iney sidoodi wili isula sii shaqeyaan" iyadoo durba hadalo badan laga kala helayo, kuwaasi oo sheegaya in musharax walba xusul duub ugalay sida uu ku miro dhalin lahaa hamigiisa siyaasadeed isagoona cid kale xulufo la sameesan.

Musharax Xasan Sheekh iyo Cabdiraxman Cabdishakuur ayaa umuuqda kuwa wili safka kuwada jira halka Xasan Cali Kheyre iyo Sheekh Shariif latuhmaayo in tartan ugaar ah ee go'aansadeen.

Xogtaan ayaa ah mid ee shakabada warsheekh kadhax heshay guuxa xoogan oo iminka kadhax jiro dhinacyada isku hayo siyaasada dalka hasa yeeshe waxey noqon kartaa mid saacad waliba wax iska badalaan.

lasoco wararkeena danbe
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip