Maxey kawada hadleen Madaxweyne Farmaajo iyo Amiirka Qadar

0
Sunday March 06, 2022 - 20:34:39 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 879
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxey kawada hadleen Madaxweyne Farmaajo iyo Amiirka Qadar

    Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo si diiran loogu soo dhaweeyey Golaha Amiirka dowladda Qatar ayaa halkaas kulan kula yeeshay Amiirka dalkaas Sheekh Tamiim Binu Xamad Al Thaani.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo si diiran loogu soo dhaweeyey Golaha Amiirka dowladda Qatar ayaa halkaas kulan kula yeeshay Amiirka dalkaas Sheekh Tamiim Binu Xamad Al Thaani.

Madaxweynaha iyo Amiirka ayaa isla gartay dhameystirka mashaariicda horumarineed ee dowladda Qatar ay ka wado Soomaaliya iyo dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha oo muhiim u ah dib u soo kabashada dhaqaalaha guud ee dalka Soomaaliya iyo isu socodka badeecadaha, dadweynaha, horumarinta Waxbarashada Hoose/Dhexe ee Soomaaliya iyo dib u dhiska Ciidamada Qalabka Sida.

Waxaa sidoo kale Madaxweyne Farmaajo iyo Amiir Tamiim ay kulankooda ku lafa gureen arrimo dhowr ah oo ku saabsan aayaha iyo miro dhalka xiriirka Labada dal iyo danaha wadajirka ah ee ku aaddan xasilloonida iyo horumarka gobolka, si loo sii xoojiyo iskaashiga mugga weyn ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Qatar.

Amiirka wadanka Qatar Sheekh Tamiim Binu Xamad ayaa Madaxweynaha iyo wafdigiisa uga mahadceliyey ajiibidda martiqaadkii ay u fidiyeen ayaa soo dhaweeyey in dowladdiisu ay door weyn ka qaadato gurmadka abaaraha ka jira Soomaaliya, waxuuna intaa raaciyay Amiirka Qatar iney mudnaanta siin doonto dowladiisa gurmadka degdega ah iyo xalka waara oo ay ka mid yihiin maalgelinta Beeraha, Xoolaha iyo Kalluunka oo fursado shaqo u abuuraya dhalinyarada Soomaaliyeed, islamarkaana xal u noqonaysa abaaraha soo laalaabtay ee kajira dalka Soomaaliya

Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Farmaajo ayaa dhanka isaga iyo wafdigiisa oo ay ka mid yihiin Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Khaliif Cabdi Cumar iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka Maxamed Cabdullahi Ciise iyo Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Qadar Cabdirisaaq Faarax Cali ayaa uga mahadceliyey Amiirka iyo Golahiisa soo dhaweynta wanaagsan, doorkooda dib u dhiska ciidamada Soomaaliyeed iyo fulinta mashaariicda dhismaha Kaabeyaasha Dhaqaalaha oo si dardar leh uga socda dalka.

 
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip