Farmaajo oo fursad siyaasadeed kadhax arkay General Saadaq Joon (Warbixin)

0
Saturday January 08, 2022 - 19:03:26 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 754
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Farmaajo oo fursad siyaasadeed kadhax arkay General Saadaq Joon (Warbixin)

    Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmajao iyo Janaraal Saadaq Cumar Xasan 'Joon' ayaa caawa ku kulmay xarunta madaxtooyada Soomaaliya sideed bilood kadib markii uu madaxweyne ka xayuubay janaraalka dhamaan darajooyinka ciidan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmajao iyo Janaraal Saadaq Cumar Xasan 'Joon' ayaa caawa ku kulmay xarunta madaxtooyada Soomaaliya sideed bilood kadib markii uu madaxweyne ka xayuubay janaraalka dhamaan darajooyinka ciidan.


Sarkaal sare oo ka tirsan xafiiska madaxweynaha Soomaaliya ayaa BBC u sheegay in kulanku uu yimid kadib codsi ka yimid Janaraal Saadaq Joon oo beryahan dambe ku sugnaa magaalada Muqdisho. Qof kale oo Saadaq Joon ayaa sidoo kale inoo xaqiijiyay kulanka labada masuul.

Sarkaalka madaxtooyada Soomaaliya waxa uu sidoo kale sheegay in kulanka madaxweyne Farmaajo iyo Janaraal Saadaq Joon uu dabo-socdo kulan shalay dhex maray taliyihii hore ee hay'adda nabad-sugidda iyo sirdoonka Soomaaliya Fahad Yaasiin Xaaji Daahir. Kulankaas oo ka dhacay gudaha garoonka Aadan Cabdulle Cusmaan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee dhexmara Fahad iyo Janaal Saadaq wixii ka dambeeyay markii Saadaq xilka laga qaaday bishii Abriil Sanadkii hore.

Saadaq ayaa xilligaas ku sheegay muuqaal lagu baahiyay warbaahinta gudaha in uu hakiyay kulan ay yeelan lahaayeen Golaha Shacabka oo looga doodayay arrimaha doorashooyinka dalka, isaga oo faray xildhibaanada inay dib ugu noqdaan deegaan doorashooyinkooda. Saadaq Joon ayaa markaas ahaa taliyaha ciidamada booliska, iyadoo shaqadii laga eryay wax yar kadib hadalkiisa. Maalmo kadib na, madaxweyne Farmaajo ayaa ka xayuubiyay dhammaan darjaooyinka ciidan Janaraal Saadaq Joon.

Kulanka dhex maray Saadaq Joon, Fahad Yaasiin iyo madaxweyne Farmaajo ayaa lagu sheegay iscafis. Waxaa kulanka dhinacyadan dhexmaray fududeeyay xildhibaan Cabdiraxmaan Dheere oo laga soo doorto Jubbaland, kana mid ah ragga ugu dhow xafiiska madaxweynaha Soomaaliya.

Saadaq Cumar oo saaxiib dhow la'a madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye 'Qoorqoor' ayaa ah murashax u taagan kursiga xildhibaannimo ee beeshiisa.

Darajo ka xayuubintii Saadaq Joon ma loo maray hannaankii sharciga ah?
Wararkii ugu dambeeyay ee xaaaladda magaalada Muqdisho
"Marnaba ma socon doono muddo kororsiga beenta ah, arrintan wadahadal unbay ku dhamaaneysaa"

Waa kuma Saadaq Joon
Saadaq Joon, oo magaciisa oo saddexan yahay Saadaq Cumar Xasan ayaa ku dhashay deegaan ka tirsan dhulka Soomaali Galbeed ee dalka Itoobbiya. Saadaq ayaa la sheegaa in uu horraantii 1993 uu usoo wareegay Muqdisho, isaga markii danbena 2002 ugasii gudbay dalka Kenya kaddibna dalka Koonfur Afrika, halkaas oo ka sii aaday London. Waxaana uu dalka dib ugusoo noqday sannadkii 2014.

Markii uu dalka dib ugusoo laabtay waxa uu soo qabtay xilal kala duwan oo ay ka mid yihiin taliyaha NISA ee Galmudug, sida oo kalena sannadkii 2017-kii loo magacaabay taliyaha nabadsugiddaiyo sirdoonka qaranka ee gobolka Banaadir.

Taliyihii hore ee haayadda NISA Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbalooshe, oo ay soo wada shaqeeyeen muddo dheer Saadaq Joon ayaa ku qeexay in uu yahay nin hawl kar ah, oo shaqadiisa sida ugu habboon uga soo baxa.

"Waa nin aaan saaxiib ahayn oo aan si dhaw usoo wada shaqaynay laga soo bilaabo London, tan iyo intii aan madaxda u ahaa. Waa nin aan u xushay geesinnimo, hawlkarnimo, hawsha aad u dirtana ka soo dhalaali kara. Waa nin madaxda ka sarraysana daacad u ah shaqada aad u dirtana aan qabyaynaynin, go'aan qaadashadiisuna fiicnayd"

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa dhawr jeer Warbaahinta ka weeraray Saadaq Joon, waxaana xusid mudan in muddo ka hor uu Dowladda Turkiga ku dhaliilay laba wajiilenimo, ka dib markii ay billad sharaf guddoonsiiyay Saadaq John, oo uu ku eedeeyay gacan ku dhiigle dilay shan ka mida ilaaladiisa, xilligaas oo la weeraray hoygiisa.


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip