Madaxweyne Xasan oo soo gaabiyay safarkiisi Dhuusamareeb

0 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 210
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Xasan oo soo gaabiyay safarkiisi Dhuusamareeb

    Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta deg deg ah uga safray magaalada Dhuusamareeb oo qorshihiisu uu ahaa in ilaa 17-ka bishaan uu joogo, waxayna warbaahinta heshay xogta sababta soo dedejisay safarka madaxweynaha.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta deg deg ah uga safray magaalada Dhuusamareeb oo qorshihiisu uu ahaa in ilaa 17-ka bishaan uu joogo, waxayna warbaahinta heshay xogta sababta soo dedejisay safarka madaxweynaha.

Safarka Madaxweynaha ee Muqdisho ayaa ku saabsan xiisadda ka dhex qaraxday hey’adda NISA iyo Shirkadda Hormuud oo xubno ka tirsan maamulka laga xiray.

Maanta hey’adda NISA iyo maamulka Shirkadda Hormuud waxay soo saareen labo war-saxaafadeed oo dhinac kasta uu ku faah-faahinayo waxa ay isku hayaan.

Maamulka Hormuud Telecom waxay sheegeen in NISA ay soo weydiisatay xogta muwaadiniin isticmaala adeegga shirkadda, isla markaana sharcigu uusan qabin in la bixiyo xogta muwaadinka.

Intaas kadib, Hormuud waxay sheegtay in ciidamada NISA ay u awood sheegteen shirkadda, isla markaana ay xireen xarumo iyo xubno sare oo ka tirsan maamulka shirkadda Hormuud iyo Bangiga Salaam oo hoos taga Hormuud.

Hey’adda NISA ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay kaga jawaabeyso warka Hormuud Telecom, waxayna faahfaahisay sababta ay u xirtay xarumaha iyo xubnaha ka tirsan shaqaalaha Hormuud.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip