Xasan Sheekh iyo C/raxman C/shakuur oo talo culus loo diray.

0
Thursday November 25, 2021 - 20:06:05 in Wararka by
  • Visits: 1926
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xasan Sheekh iyo C/raxman C/shakuur oo talo culus loo diray.

    Aragti; Ku: MW Xasan Sh. Maxamuud iyo Wasiir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame Anigoo qirsan, in aanan taageero siyaasadeed idiin ahayn, ururradiinna hore uga mid noqon midkood, haddana ku jirin, weligeyna gelidoonin; Iyadoo la og yahay, in eedo ba

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Aragti; Ku: MW Xasan Sh. Maxamuud iyo Wasiir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame Anigoo qirsan, in aanan taageero siyaasadeed idiin ahayn, ururradiinna hore uga mid noqon midkood, haddana ku jirin, weligeyna gelidoonin; Iyadoo la og yahay, in eedo badan la idinka tabanayo, eel aad gasheen ama laablakac mid ay tahayba; Iyadoo laga dheregsan yahay, in dadkiinnnu yahay kuwo idinka durugsan, kuwo idinka didsan iyo kuwo la idinku dabeeyey; Dhanka kale,

Ka dib markii aan isugeeyey weerrradii, xannibaadyadii iyo iskudayadii dil ee labadiinna keliya la idin kula kacay;
Ka dib markii ay idinka hoosbaxday in aad ka mirodhalisaan guushii aprile 25, 2021 gacanta idiin soo gashay;
Ka dib marka Rooble laga waayey kaalintii laga filayey;
Ka dib markii la wada arkay sida ay noqotay doorasho ku sheegga ka socota Galmudug iyo qaar ka mid maamullada dalka;
Ka dib markii qaar ka mid dad ay dacwad ka taallo xildhibaanno laga dhigay qaar kalana soo socdaan;
Intaa ka dib,

Waxaan qabaa aragti ah, in dalka iyo dadka badbaadintiisu ay tahay xil labadiinna si gaar ah idiin saaran, maxaa yeelay, waxaad tihiin labada hoggaamiye oo ugu mayalka adag, uguna miisaaman xagga madaxbannaanida, aqoonta, ogaalka iyo aqoosha marka la fiiriyo.

Haddaba, inta aan xildhibaanno bug ah, saraakiil dabadhilif ah iyo maamulayaal ‘maya’ aan aqoon la idin ku sharciyeyn lahaa, hadda ayey weli talo gacantiinna ku jirtaa, ee inta aan dad kale la gaarin tiinna meel u hela, maxaa yeelay, doorasho ku sheeggu marka ay soo idlaato, waxaa hubaal ah, in kuwan Xalane jooga aysan dan ka gelidoonin warsaxaafadeed, shirjaraa’id iyo warmurtiyeed, ee ay la falgalayaan waaqica abuurmay, ee aad idinku isha ka fiirin jirteen.

Ku taloqaata afgembiyada ka dhacay Masar, Mali, Suudaan iyo xil la wareegga Jaad, oo dhammaan aan ku dhisnayn doorasho dadweyne iyo maamulwadaag, haddana, aan dunida iyo Afrika labaduba wax weyn ka soo qaadin!

Maxaad ka filan kartaan, qolyaha waxaad ogeydeen eeganayeya afartii sano ee la soo dhaafay, haddana, fiirsanaya waxa dhacaya, in, ay berri yeelayaan marka maaweeladu soo dhammaato?

Xukun waa la helaa waana la waayaa, balse, xornimo la’aan ku noolow wax ka xun ma lahan, marka inta shaararka waaweyn ee idiin gashan iska soo siibtaan dalkan iyo dadkan u dhibban sida aad u dhibban tihiin u soo istaaga samatabixintiisa.

Ogaada, doorasho aad u tartantaan dalkan ka ma dhicidoonto inta sidan xaalku yahay, marka si aad u tartantaan, horta xaalka wax ka baddala, waxaad qarsato waa ku qurunsadaan, waana midda aan idiin kugu baaqayo, haddii markaa la idin dooran waayo, naftiinna ugu horreyn, dadkiinna iyo dalkiinna ayaad adeeg weyn u qabateen, oo ka mug weynaa kara doorasho aad ku guulaystaan.

Kacdoon aadnaan labadiinnu hoggaamin guul si uu ku dhalin karo ii ma muuqato, maxaa yeelay, madaxda kale ee dalka joogta, sababta labadiinna keliya loo beegsaday ayaa caddayn u ah waxa la idinku tusmayo ama la idinka filan karo.

Wadajir hal urur ah haddaan la heli karin, waa qasab in la helaa wadajir labadiinna aad iskula shaqaysaan. Haddaad ka dhego’adeygtaan, sugta wixii hore idiin soo maray wax ka liita iyo wax ka daran; dani waa seeto, dammanaan ayaana lagu seegaa. Marka kala doorta halgan maanta ah ama halaq ka cabasho berri ah.

Ugu dambayn, maalinta aad dib-u-dhigataan billowga badbaabada, waxaad ogaataan, in ay ka go’an tahay aayaha dambe ee guusha la gaari karo. Howl ku sugee, waa la harrakeeyaa.
Tixgelin.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip