Somaliland oo dhambaal culus usoo dirtay dadka kunool Muqdisho

0
Friday February 23, 2024 - 15:36:10 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 223
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland oo dhambaal culus usoo dirtay dadka kunool Muqdisho

    Xukuumada Somaliland ayaa shacabkeeda ku dhaqan magaalada Muqdisho ugu baaqday in ay ka baxaan magaalada, kadib dilal loo gaystay qaar kamid ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumada Somaliland ayaa shacabkeeda ku dhaqan magaalada Muqdisho ugu baaqday in ay ka baxaan magaalada, kadib dilal loo gaystay qaar kamid ah.
Xukuumada Somaliland ayaa shacabkeeda ku dhaqan magaalada Muqdisho ugu baaqday in ay ka baxaan magaalada, kadib dilal loo gaystay qaar kamid ah.

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arrimaha Guddaha Maxamed Yuusuf Ismaaciil, ayaa sheegay in dilka loo gaystay Aqoonyahan Cabdinaasir Muuse Dahable, uu ka dhashay khilaafka hawada, isaga oo ku tilmaamay cadaawad loo qabo shacabka Somaliland.

Agaasimaha ayaa shacabka Somaliland ee ku sugan magaalada Muqdisho ugu baaqay in ay ka baxaan magaalada "Waxaan ugu baaqayaa dhammaan muwaadininta reer somaliland ee jooga soomaliya inay iska soo baxaan intaan waxyeelo loo gaysan".

Xildhibaan hore oo ka tirsanaan jiray Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa isna shalay maydkiisa laga helay hotel uu ka daganaa magaalada, waxa la sheegay in booliisku ay geeridiisa dad u xidheen.

Booliiska Soomaaliya ayaa dhankooda sheegay in ay ku jiraan baadhitaan ay ku samaynayaan dilka Aqoonyahan Dahable, oo ka shaqaynayay hay'adda hawada Soomaaliya.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip