Baydhabo iyo Dhuusamareeb oo halkoodi kasii wadaan Doorashada muranka dhalisay.

0
Saturday November 27, 2021 - 11:40:38 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 613
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Baydhabo iyo Dhuusamareeb oo halkoodi kasii wadaan Doorashada muranka dhalisay.

    Waxaa maanta lagu wadaa in doorashada afar kursi oo ka mid kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya lagu kala doorto magaalooyonka Baydhabo iyo Dhuusamareeb ee maamulada Galmudug iyo Koonfur Galbeed.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa maanta lagu wadaa in doorashada afar kursi oo ka mid kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya lagu kala doorto magaalooyonka Baydhabo iyo Dhuusamareeb ee maamulada Galmudug iyo Koonfur Galbeed.

Magaalada Baydhabo waxaa ka dhaceysa doorashada sadax ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka oo noqonaya kuraastii ugu horeysay ee deegaan doorashadoodu tahay Koonfur Galeed, halka magaalada Dhuusamareeb lagu dooran doono hal kursi oo ka mid kuraasta Golaha Shacabka.

Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa noqonaya maamulkii sadaxaad ee bilaaba qabashada doorashada kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11- aad ee Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale xusid mudan in kuraasta afarta ah ee maanta doorashadooda ka kala dhaceyso Baydhabo iyo Dhuusamareeb la sii ogyahay shaqsiyaadka kusoo bixi doono, taasoo keentay in walaac xoogan laga muujiyo hanaanka ay ku socoto doorashada Golaha Shacabka.

Shalay ayay aheyd markii beesha Caalamka warsaxafadeed ay kasoo saartay walaaca laga muujinaayo doorashada Golaha Shacabka ayna dalbadeen in howlwadeenada doorashada ay isbadal la yimaadaan oo ay doorashadu noqoto mid daahfuran oo xor iyo xalaal ah.


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip