Sirta kadambeesa sii deynta Mucaaradka Itoobiya

0
Saturday January 08, 2022 - 19:03:25 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 781
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sirta kadambeesa sii deynta Mucaaradka Itoobiya

    Ra'isul wasaraaha Itoobiya Abiy Axmed ayaa jimcihii sii-daayey siyaasiyiin mucaarad ah sida Sebhat Nega, oo ahaa maskaxda iyo aasaasaha TPLF iyo walaashiis Kedusan Nega, xubnaha kale ee ururkaasi ah ee la sii daayey waxaa ugu muhiimsanaa Abay Wo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'isul wasaraaha Itoobiya Abiy Axmed ayaa jimcihii sii-daayey siyaasiyiin mucaarad ah sida Sebhat Nega, oo ahaa maskaxda iyo aasaasaha TPLF iyo walaashiis Kedusan Nega, xubnaha kale ee ururkaasi ah ee la sii daayey waxaa ugu muhiimsanaa Abay Woldu oo ahaa guddoomiyihii hore ee TPLF iyo madaxii gobolka Tigreyga iyo weliba Abadi Zemu oo xubin ka ahaa guddiga dhexe ee TPLF.

Waxaa kale oo dadka la siiyey ka mid ah hoggaamiyeyaasha Oromada sida Jawar Mohammed iyo Bekele Gerba, labada nin waxaa lagu eedeeyey in ay sameeyeen qalalaaso ka dhan ah Amxaarada kadib dilkii Hachalu Hundessa ee June 2020.

Go’aankan ayaa yimid maalin kadib markii uu Adis Ababa yimid ergeyga Mareykanka ee geeska Afrika Jeffry Feltman, wada hadalna uu la galay madaxda Itoobiya.

Waxaa kale oo ay sii-deysmadan kusoo aadeysaa iyada oo todobaadkan wareysi uu CNN-ka siiyey hoggaamiyaha TPLF-ta Debretsion Gebremichael, uu ku sheegay in dagaalkan lagu soo afjarayo wada-hadal ayna dhankooda diyaar u yihiin, iyada oo si arrintaas loogu gogol-xaaro ay Tigeyga ka baxeen qeybo ka mid ah dhulka Cafarta iyo Amxaarada.

Haddaba, Tilaabadan maxay gobolka iyo Dunida uga dhigantahay ayaan hordhigay Prof. Xasan Sheekh Cali Nuur isaga oo sheegay iney bilow u tahay bixitaanka Abiy Axmed iyo in galbeedka ay ka adkaadeen siyaasadda Shiinaha iyo Ruushka.

Prof. Xasan oo PhD ka heysta xiriirka caalamiga oo ka hadlayey waxa ay Itoobiya uga dhigantahay arrinkan ayaa waxaa uu yiri " Sii-deynta xubnaha mucaaradka, waa xoogaggii lala geli lahaa wada hadalka iyo heshiis waara oo la sii-daayey, waa bilowga bixitaanka Abiy Axmed, waana isaga oo ku qancay in xoog ciidan aan xal ku jirin, ayna muhiim tahay heshiis siyaasi ah, hadda guddi Bad-baado ayaa la dhisi-doonaa, iyada oo la dooranayo ra’isul wasaare la isla ogolyahay ".


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip