Heshiis dhax maraya Soomaaliyo iyo Masar oo walaac xoogan ku abuuaray Itoobiya

0 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 159
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Heshiis dhax maraya Soomaaliyo iyo Masar oo walaac xoogan ku abuuaray Itoobiya

    Madaxweynaha dalka Masar Abdel Fattah El-Sisi ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal iyo xaaladda Gobolka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha dalka Masar Abdel Fattah El-Sisi ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal iyo xaaladda Gobolka.

Afhayeenka madaxtooyada Masar ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay inay labada hoggaamiye ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal iyo sidii kor loogu qaadi lahaa xaaladda gobolka.

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Soomaaliya iyo Masar ay labaduba ay kala saxiixanayaan heshiis dhinaca milateriga ah.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh iyo madaxweynaha dalka Masar Abdel Fattah El-Sisi, ayaa la filayaa inay maanta kasoo wada muuqdaan war murtiyeed ay jeedinayaan kulankooda kadib.

Wafuuda madaxweyne Xasan Sheikh waxaa kamid ah mas’uuliyiin dhowr ah oo uu ka mid yahay Wasiirka Gaashaandhigga.
Dowladda Masar ayaa kamid ah waddamada ka hor yimid heshiiska Itoobiya iyo Somaliland, iyadoo sheegtay inay garab taagan tahay ilaalinta madax 
bannaanida dhuleed ee Soomaaliya.



Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip