Magaalada Muqdisho oo hilib la'aan kadhacday (warbxin)

0
Tuesday March 08, 2022 - 10:24:44 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 779
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Magaalada Muqdisho oo hilib la'aan kadhacday (warbxin)

    Hilib la'aan xoogan ayaa kajirta magaalada Muqdisho tan iyo marki uu sara ukacay sicirka lagu kala iibsado hilibka Geela, kadib marki ganacsatada suuqa xoolaha ee sare uqaadeen qiimaha lakala siisto Geela. Taasi oo keentay sicir barar aad u xoog

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hilib la'aan xoogan ayaa kajirta magaalada Muqdisho tan iyo marki uu sara ukacay sicirka lagu kala iibsado hilibka Geela, kadib marki ganacsatada suuqa xoolaha ee sare uqaadeen qiimaha lakala siisto Geela. Taasi oo keentay sicir barar aad u xoogan.


Qaar kamid ah kawaanleyda suuqyada Muqdisho ayaa arintaan kutilmaamay inuu iska hor keenay kawaanleyda iyo bulshada gobolka Banaadir, kuwaasi oo marki hore la daala dhacaayay sicir barar xoogan oo kajiro qeybo badan oo kamid ah quutul daruurigooda maalin laha ah.

Dhanka kale waxa jirto ganacsato isku dayay in degmooyinka kudhow dhow magaalada Muqdisho sida degmada Afgooye kasoo iibsadaan Geela ayaa iyagana waxba ka badalin sicirka lagu kala iibsado qiimaha kiiladi. Taasi oo ka dhigeyso in lagu kala iibsado halki kiilo oo hilibka geelka qiimo dhan 8$ halka marki hore uu ka ahaa 4$ sida uu xaqiijiyay Shabakada Warsheekh mid kamid ah ganacsatada Muqdisho.

Sidoo kale xuuraansi ee shabakada Warsheekh arimahaan kala yeelatay bulshada gobolka ayaa waxey soo ogaatay in shacabka in badan kubaraarugeen cunida qudaarta sida koostada, taasi oo ah mid aad ugu wanaagsan caafimadka hasa yeeshe cunida hilibka Geelka ayaa waxa uuyahay mid si aad ah loo jecelyahay.

Dhanka kale waxa iyana sara ukacay qiimaha Hilibka Malayga oo isagana gaaray halki ugu sareysay taasi oo iyadana lala xiriiraayo kamaqnaashaha hilibka geela ee suuqyada Muqdisho.

Axmed M. Cali
Warsheekh-Muqdisho.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip