Mulaxamiiste Ilka Jiir oo Muqdisho ku geeriyooday

0
Sunday February 13, 2022 - 13:42:52 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1128
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mulaxamiiste Ilka Jiir oo Muqdisho ku geeriyooday

    Allaha u naxariistee waxaa maanta magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ku geeriyooday Abwaankii Soomaaliyeed, Cabdikariin Faarax Qaarey (Jiir) oo maalmahan dambe ku xanuunsanaa caasimada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Allaha u naxariistee waxaa maanta magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ku geeriyooday Abwaankii Soomaaliyeed, Cabdikariin Faarax Qaarey (Jiir) oo maalmahan dambe ku xanuunsanaa caasimada.

Geerida ku timid marxuumka ayaa waxaa xaqiijiyey qaar ka mid ah ehelladiisa iyo bahda Fanka, wuxuuna ku dhintay Isbitaalka Erdogan oo horey loo oran jiray Digfeer.

Cabdikariin Jiir ayaa waxaa uu ahaa Odey Soomaaliyeed iyo Mulaxamiiste cajiib ah, waxaana ka mid ah Heesaha uu laxanka saaray heesta Beledweyn ee Samatar qaado.

Sidoo kale wuxuu kaalin weyn kasoo qaatay Fankii Bariisamaadka, gaar ahaan xilligii uu dhisnaa Tiyaatarka Qaranka Soomaaliyeed.

Dhinaca kale mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda ayaa ka hadlay geerida ku timid marxuumka, waxayna tacsi u direen ehelladiisa iyo guud ahaan bahda Fanka.

Wasaaradda warfaafinta oo qoraal soo saartay ayaa sidoo kale Abwaanka Alle uga bariday inuu ka waraabiyo Jannadiisa Firdowsa.

"Wasiirka, wasiir ku xigeenka iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta ayaa ka tacsiyeeyay geerida Marxuumka iyagoo allaah uga baryay inuu naxariistiisa ku daboolo,” ayaa lagu yiri qoraal tacsi ah oo kasoo baxay wasaaradda warfaafinrta Soomaaliya.

Alle ha u naxariistee, Abwaan Cabdikariin Jiir wuxuu sannadkii 1943-dii ku dhashay magaallo xeebeedka Hobyo ee gobolka Mudug.

Xigasho> Caasimada
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip