Itoobiya oo qorshe dheer kadamacsan Dekedaha wadamada deriska.

0
Sunday June 13, 2021 - 17:54:34 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 733
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Itoobiya oo qorshe dheer kadamacsan Dekedaha wadamada deriska.

    Itoobiya ayaa sheegtay iney adeegsaneyso dakadaha waddamada deriska la ah si ay uga kaaftoonto ku tiirsanaanta dakadaha Jabuuti oo keli ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Itoobiya ayaa sheegtay iney adeegsaneyso dakadaha waddamada deriska la ah si ay uga kaaftoonto ku tiirsanaanta dakadaha Jabuuti oo keli ah.

Itoobiya oo ah dal ay ku nool yihiin in ka badan 100 malyan oo dhul weyna ku fadhida ayaan lahayn dakad ay iyadu leedahay oo ay wax kala soo degto ama ay kadhoofiso.

Wasiirka Gaadiidka ee Itoobiya Daagmaawiit Moges oo FBC u warrantay waxay sheegtay dalka Itoobiya alaabaha uu dhoofiyo ama uu soodajiyo 99% inuu ku tiirsanaa dakadaha Jabuuti oo keli ah balse hadda la doonayo seddex dakadood oo kale oo ku yaalla waddamada deriska in uu dalka Itoobiya isticmaalo.

Wasiirka Gaadiidka ee Itoobiya Daagmaawiit Moges

XIGASHADA SAWIRKA,TRANSPORT MINSITER

"Dakadaha aan isticmaalkooda bilaabeyno qaarkoodna aan horay billownay waxay kala yihiin Dekadda Berbera, Dekadda Lamu iyo Dakadda Port Sudan, isticmaalka dekadahaasina waxay keeneysaa ku tiirsanaantii dakadaha Jabuuti ee ahayd 99%, iney noqoneyso 89% meelahaa iyada oo dekadaha cusub ee aaan isticmaaleyno 8.8% ay kaalintooda noqoneyso" ayey tiri.



Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip