Group B Oo Lagu Kala Baxay, Isagoon Weli Dhamaan

0
Thursday June 19, 2014 - 08:16:53 in Sports by Web Admin
  • Visits: 2024
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Group B Oo Lagu Kala Baxay, Isagoon Weli Dhamaan

    Min kulan ayaa uhartay qaramada kujiro kooxda labaad ee koobka adduunka, min laba jeer ayey badiyeen labada xul ee Netherland iyo Chile, sidaas waxey kuhanteen min lix dhibcood, waxaase uharay inay labadooda is arkaan, waa labadii xul ee ugu horeesay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Min kulan ayaa uhartay qaramada kujiro kooxda labaad ee koobka adduunka, min laba jeer ayey badiyeen labada xul ee Netherland iyo Chile, sidaas waxey kuhanteen min lix dhibcood, waxaase uharay inay labadooda is arkaan, waa labadii xul ee ugu horeesay ee usoo baxo wareega labaad ee koobka adduunka.

Spain oo qaaday koobkii adduunnka midkii ugu danbeeyay ee ka dhacay koonfur afrika ayaan soo bandhigin qaab ciyaareed ay ku muteesan kartay inay baaqi kusii ahaato tartanka, wax walbo ka qaldanaaba waxey dhadhamiyeen qaraarka laba guuldaro oo isku xigto oo kasoo gaartay kulamada iswada araga ee Groupka.

La Roja ayaa dhalisay keliya hal gool, waxaana dhaliyey Xabi Alonso rigoore lagu galay Diego Costa kulankii furitaanka ee laciyaareen Netherland, waxaase loogu badalay shan gool, waxaa ugusoo xigay kulanka Chile oo labo gool lagu shubay shabaqooda, wadar ahaan todobo gool ayaa laga dhaliyey keliya hal gool ayey dhaliyeen.

Sidaas darteed kooxda koobka adduunka heysato ayaa kufashilantay labo tijaabo oo ay martay, iyadoo boorsooyinkeeda kaxirxiran doonto Brazil, walow aysan weli dhamaanin kulamada Groupyada, Spain ayaa qaab liito kumacsalaameeneeso koobka adduunka, si lamid ah Australia ayaa qabto labo dil, guuldaro hore ugasoo gaartay Chile, iyo mid maantay kasoo gaartay Netherland.

Australia iyo Spain ayaa is arki doono kulankooda ugu danbeeyo koobka adduunka, markaas kadib labada xul ayaa kasoo hadaafi doono Brazil, waa labadii xul ee ugu horeeyay oo si rasmi ah uga haray tartanka.


 
Mahan markii ugu horeesay oo xulka heysto koobka adduunka uu kuharo wareega koowaad, hore waxey ugu dhacday:

1950 — Italy

1966 — Brazil

2002 — France

2010 — Italy.

Laacib.net
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip