Maxey tahay ujeedka Qarsoon ee Farmaajo kaleeyahay Lacagta Imaaraatka (Warbixin).

0
Saturday January 08, 2022 - 19:03:23 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 806
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxey tahay ujeedka Qarsoon ee Farmaajo kaleeyahay Lacagta Imaaraatka (Warbixin).

    Madaxweyne Farmaajo ayaa si kulul uga hor yimid hadalki Ra'isul wasaare Rooble ee dib ucelinti lacagihi kal hore laga xanibay dowalda Imaaraatka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Farmaajo ayaa si kulul uga hor yimid hadalki Ra'isul wasaare Rooble ee dib ucelinti lacagihi kal hore laga xanibay dowalda Imaaraatka.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dib ucelinta lacagtaani eesan hal mas'uul kaliya go'aan ka gaari karin sidoo kalena ee tahay dhinacyo badan laga fiiriyo kahor tallaabo la qaado.

Madaxweyne Farmaajo oo la rumeesan yahay inuu kusoo dhacay meel dhexe kadib marki uu si toos ah ula saftay dalka Qadar oo beri is hayeen Imaaraatka halka mad madowgi udhaxeeyay oo iminka dhamaaday halka Madaxweyne Farmaajo iyo Imaaraatka eesan dhax marin wax is afgarad ah uuna aqbali karin in cid kale waji kaga sameesato Imaaraatka xili uu wadanka marayo xaalad kala guur ah.

Saaxibada Farmaajo ee saameenta xoogan kuleh siyaasadiisa ayaa waxey dagaal toos ah iminka ugu jiraan sida talaabo walba uu qaado Ra'iisul wasaare rooble ufashilin lahaayeen iyagoo si toos ah iyo si dadbanba fariimo umarinaayo baraha bulshada.

Shacabka Soomaaliyeed oo iminka ku jira jahwareer siyaasadeed oo mararka qaarkood laga dareemayo sida ee quus uga taagan yihiin qilaafka hareeyay dowlada Soomaaliya ayaa waxey siyaabo kala duwan uga hadleen lacagaha tirada badan ee Dowlada Imaaraatka hore looga xayiray iminkana ladoonayo in dib loogu celiyo.

Aqriste adiga sidee kula tahay.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip