Balse runta waxa ay ahayd in wasiirkakani magaciisu yahay Thembelani Waltermade Nxesi balse dadku ay u yaqaanniin 'Thulas Nxesi' waa siyaasi reer Koonfur Afrika ah oo ka tirsan xisbiga talada dalkaasi haya ee ANC.

Thulas oo ay da'diisu tahay 63 jir, 1-dii January, 1959-kii ayuu ku dhashay magaalada Matatiele ee dalka Koonfur Afrika.

Waxbarashadiisa

Wuxuuna ka bartay culuunta fanka iyo waxbarashada oo heerar kala duwan ah.

Shaqooyinka uu soo qabtay

Sawirka qabsaday Baraha Bulshada

XIGASHADA SAWIRKA,FB

Qoraalka sawirka,

Sawirka qabsaday Baraha Bulshada

Thulas hammigiisa siyaasadeed ee ugu horreyey wuxuu ka soo billaabay xilliyadii uu ardayga ahaa oo uu dhiganayey dugsiyada dhexe iyo sare isaga oo sida oo kale ahaa shaqsi u dhaqdhaqaaqa arrimaha bulshada wuxuuna ka mid noqday ururkii ardayda heer qaran ay ku bahoobeen ee SANSCO oo marki dambe loo baddalay AZASO.

1985-kii wuxuu shaqadi macallinnimo ee ugu horreysay uu ka billaabay dugsiga sare ee Tembisa, oo ku yaalla gobolka Gauteng. 1985-1990-kiina wuxuu hormuud ka soo noqday waaxda arrimaha bulshada ee dugsigaasi.

Wasiir Thulas Nxesi oo khudbad jeedinaya

XIGASHADA SAWIRKA,WASIIR THULAS NXESI

Qoraalka sawirka,

Wasiir Thulas Nxesi oo khudbad jeedinaya

1990-kii waxaa loo doortay jagada ku xigeenka xoghayaha guud ee ururka macallimiinta dimuqraadiga ee Koonfur Afrika (SADTU), isaga oo xilkaasi hayey ilaa iyo 2009-kii.

2004-2009-kii wuxuu madaxweyne u ka soo noqday urur waxbarasho oo caalami ah oo ay xubno ka yihiiin in ka badan 30 malyan oo qof.

2009-kiina wuxuu noqday xubin baarlamaan oo ka tirsan barlamaanka dalka Koonfur Afrika isaga oo matalaya xisbiga ANC wuxuuna guddoomiye ka soo noqday guddiga iskaashiga iyo xiriirka caalamiga ee baarlamaanka.

2010-kii Madaxweyne Jacob Zuma ayaa u magacaabay wasiir ku xigeenka horumarinta miyiga iyo dib u habeynta dhulka.

Wasiir Thulas Nxesi

XIGASHADA SAWIRKA,THULAS NXESI FACEBOOK

7 sano kaddib oo ku beegneed 2017-kii waxaa loo magacaabay wasiirka ciyaaraha, sanad kaddibna wuxuu noqday wasiirka shaqooyinka bulshada.

Thulas Nxesi intii uu siyaasadda ku soo jiray waxyaabihii uu la kulmay waxaa ka mid ahaa safarki Israa'iil uu 2012-kii ka baaqday kaddib marki loo diiday fiisaha dal ku galka dalkaasi maadaamaa uu ninkani yahay nin si weyn u taageero qaddiyadda Falastiin.

Hadal haynta maxaa keenay?

Haddaba wasiirka shaqada iyo shaqaaleynta ee dalka Koonfur Afrika Wasiirka hadal haynta baraha bulshada ka dhalatay waxay la xiriirtay in isaga oo ah wasiirka ciyaaraha dalkaasi inuu jirkiisana uu qabkaasi u yaallo.

Balse arrinta meesha taalla ayaa waxay tahay wasiirkan ma aha wasiirka cayaaraha Koonfur Afrika balse xilka wasaaraddaasi wuxuu soo qabtay muddo saddex sana ah oo ah intu u dhaxeysay 2017-2019.

2019-ka ilaa iyo haddana wuxuu hayaa xilka wasiirnimada wasaaradda shaqada iyo shaqaaleynta ee dalka Koonfur Afrika.

Wasiirka Ciyaaraha ee Koonfur Afrika Emmanuel Nkosinathi (Nathi)

Haddaba waa kumaa wasiirka ciyaaraha Koonfur Afrika ee ninkan lagu kahay?

Emmanuel Nkosinathi oo loo yaqaanno "Nathi" ayaa ah wasiirka Cayaaraha, Fanka iyo Dhaqanka ee Koonfur Afrika. Wuxuuna xilkaasi qabtay wixii ka dambeeyey 30-ka May 2019-ka ilaa iyo haddana xilkaasi haya.

Wuxuuna xilka kala wareegay wasiirkii xilka kaga horreeyey Thembelani Waltermade Nxesi.

Wasiirka Ciyaaraha ee Koonfur Afrika Emmanuel Nkosinathi oo kubbad laagaya

XIGASHADA SAWIRKA,MINSTER NATHI FACEBOOK

Nathi wuxuu horay uu u soo qabtay xilalka ay ka midka yihiin Wasiirka wasaaradda Amniga iyo Badqabka, Wasaradda Booliska iyo Wasaaradda Fanka iyo Dhaqanka oo marki dambe ciyaaraha lagu daray.

Wasiirka ciyaarahana wuxuu si la mud ah Nxesi uuka soo jeeda xisbiga talada dalka Konfur Afrika haya ee ANC.