Colaadda Itoobiya: Maraykanka oo war cusub soo saaray dagaalka socda

0
Saturday November 27, 2021 - 11:58:56 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 576
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Colaadda Itoobiya: Maraykanka oo war cusub soo saaray dagaalka socda

    Xoghayaha arrimaha dibedda Maraykanka, Antony Blinken, ayaa sheegay in dalkiisa uu aad uga walaacsan dagaalka faraha ka sii baxaya ee ka taagan waddanka Itoobiya. Waxa uu dhinacyada dagaallamaya ugu baaqay inay degdeg u joojiyaan colaadda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoghayaha arrimaha dibedda Maraykanka, Antony Blinken, ayaa sheegay in dalkiisa uu aad uga walaacsan dagaalka faraha ka sii baxaya ee ka taagan waddanka Itoobiya. Waxa uu dhinacyada dagaallamaya ugu baaqay inay degdeg u joojiyaan colaadda.


Blinken ayaa sheegay inuu Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, kala hadlay xaaladda ka taagan Itoobiya, isla markaana uu la wadaagay walaaca uu Maraykanka ka qabo dagaalka oo uu sheegay inuu khatar ku yahay xasilloonida gobolka oo dhan.

"Waxaan dhammaan dhinacyada dagaallamaya ugu baaqeynaa inay tallaabooyin muhiim ah u qaadaan dhanka nabadda si loo ilaaliyo midnimada iyo madaxbannaanida dhuleed ee Itoobiya," ayuu bartiisa Twitter ku qoray xoghaye Blinken.

Ka bood Twitter boggan, 1

Dhammaadka Twitter boggan, 1

Dagaalka ayaa u muuqda mid sii xoogeysanaya, xilli uu Ra'iisal wasaare Abiy Axmed ku sugan yahay furimaha hore, sida ka muuqata muuqaal Jimcihii ay baahisay warbaahinta dowladda.

Abiy oo hadal kooban ka jeediyay aag aan magaciisa la shaacin ayaa sheegay in ciidamadiisa ay guulo muhiim ah ka gaareen dagaalka.

"Cadowgu ma laha awood uu nagu hor-joogsado ama nagula tartamo, waana ka guulaysan doonnaa," ayuu yiri Ra'iisal wasaare Abiy oo hawlaha xukuumaddiisa ku wareejiyay kuxigeenkiisa Demeke Mekonnen.

Ka bood Twitter boggan, 2

Dhammaadka Twitter boggan, 2

Waxa uu intaa raaciyay in milateriga Itoobiya ay gacanta ku dhigeen magaalada Kassagita ayna ku dhaw yihiin degmooyinka Chifra iyo Burka ee gobolka Canfarta oo soohdin la leh Tigray.

Baaqa safaaradaha

Dalalka Jarmalka iyo Faransiiska ayaa noqday dalalkii ugu dambeeyay ee muwaadiniintooda kula taliya inay isaga baxaan dalka Itoobiya colaadda awgeed.

Maraykanka iyo UK ayaa dhawaan soo saaray talooyin kuwaas la mid ah halka Qaramada Midoobayna ay bilowday daadguraynta shaqaalaha caalamiga iyo qoysaskooda.

Arrintaan ayaa imaanaysa iyadoo xooggaga TPLF ay sheegeen inay ku wajahanyihiin magaalada caasimadda ah ee Adis Ababa.

Colaadda ka socota dalka Itoobiya muddada sanadka ka badan ayaa horseeday xaallado bani'aadannimo oo aad u liita gaar ahaan gabalka Tigray ee ku yaalla waqooyiga dalkaas. Kumanaan ruux ayaa la dilay halka malaayiin kalena lagu qasbay inay ka cararaan guryahoodii.

Ergeyga gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Geeska Afrika, Jeffrey Feltman, ayaa ka digay in sii hurinta dagaalka ka socda Itoobiya uu khatar ku yahay horumar kasta oo laga gaaro wadaxaajoodka dhalin kara xabbad joojinta.

Jeffrey Feltman ayaa sheegay in Ra'iisal wasaare Abiy Axmed iyo fallaagada TPLF ay u muuqdaan kuwo aaminsan in guul milateri lagu kala calaf qaado.

Feltman ayaa ka digay in haddii fallaagada Tigreegu ay u soo ruqaansadaan caasimadda Addis Ababa, ay taasi horseedi karto xaalad adag oo bani'aadannimo.

BBC
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip