Somaliland oo Fasir cusub kabixiyay diidmadi katimid heshiiska bada.

0 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 155
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland oo Fasir cusub kabixiyay diidmadi katimid heshiiska bada.

    Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay in siyaasiyiinta reer Muqdisho ay dagaal ay kali ku yihiin ay ku hayaan Somaliland iyo Itoobiya, sida uu sheegay Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cali Maxamed Xasan (Cali Mareexaan).

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay in siyaasiyiinta reer Muqdisho ay dagaal ay kali ku yihiin ay ku hayaan Somaliland iyo Itoobiya, sida uu sheegay Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cali Maxamed Xasan (Cali Mareexaan).

Wasiirka ayaa si gaar ah Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ugu eedeeyay in uu galay qalad wayn oo sharci isaga oo sheegay in qudbad rasmi ah uu ku sheegay in anay jirin xuduud rasmi ah oo u dhaxaysa Itoobiya iyo Soomaaliya, taasi oo uu sheegay in ay tahay gaf sharci oo wayn.

"Madaxweynaha Soomaaliya maalin dhawayd oo uu hadlayay qalad wayn oo sharci ayuu galay, marka meel aad marayso aad garanwaydo hadalku waa kaa tag tagayaa, wuxuu yidhi xuduud anaga iyo Itoobiya noo dhaxaysa oo sharci ahi ma jirto" ayuu yidhi Wasiir Cali Mareexaan.

Wasiirka ayaa sheegay in siyaasiyiinta kasoo jeeda magaalada Muqdisho ay Somaliland ku hayaan dagaal aanay Soomaalida kale ku wehelin.

"Ama masaajid ka hadla, ama dad mudaharaadaya ka hadla oo, afkiiniina qiimihii ka dhamaa, Somaliland-na eed iyo godob, ayaad u qaadeen hadaad siyaasiyiinta reer Xamar tihiin" ayuu yidhi Wasiir Cali Mareexaan.

Dowlada Soomaaliya ayaa aad uga xumaatay heshiiska badda ee dhawaan dhexmaray Somaliland iyo Itoobiya, iyada oo ku tilmaantay xadgudub ay Itoobiya ku samaysay madaxbannaanida Soomaaliya.

HOL


 
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip