Toogasho ka Dhacday Magaalada Linköping ee Dalka Sweden

0
Thursday December 30, 2021 - 12:31:56 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 565
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Toogasho ka Dhacday Magaalada Linköping ee Dalka Sweden

    Dil kale ayaa ka dhacay Linköping kaasi oo loo geestay Nin 30 jir ah degmada Skäggetorp iyadoo Weli Aan lasoo qaban qofka ka danbeeyah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dil kale ayaa ka dhacay Linköping kaasi oo loo geestay Nin 30 jir ah degmada Skäggetorp iyadoo Weli Aan lasoo qaban qofka ka danbeeyah.

Toogashada ayaa booliiska soo gaartay 5.20 galabnimo ee Arbacadii ka dib markii dadka deegaanka ay maqleen Rasaas.

Booliska ayaa markii hore sheegay in ninkaasi uu soo gaaray dhaawac halis ah, balse saacadu markay ahayd 20.11 ayaa website-ka Booliska lagu soo qoray nuu ninkaasi dhintay.


 
"toogashadii caawa ka dhacday Skäggetorp waxay aheyd isku day dil, waxayna isu beddeshay dil, qaraabada Qofka la dilay waa la ogeysiiyay.” Sida uu sheegay afhayeenka bilayska Johnny Gustavsson.

Ninka dhintay ayaa boolisku horey u garanayeen, balse boolisku ma doonayaan in ay xaqiijiyaan in toogashadan ay la xiriirto kooxo burcad ah oo isla deegaankaas ku sugnaa.

Hadda, ma jirto cid looga shakisan yahay toogashada, sida uu sheegay Johnny Gustavsson.

Somalisk.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip