Maamulka Hirshabeelle oo qaadacay hadal xasaasi ah oo ka soo yeeray Duqa Muqdisho

0
Monday October 01, 2018 - 10:49:46 in Wararka by Warsheekh Muqdisho
  • Visits: 1402
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka Hirshabeelle oo qaadacay hadal xasaasi ah oo ka soo yeeray Duqa Muqdisho

    Kulan ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho maalintii sabtida aheyd Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) iyo Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuduudaha iyo Federaalka ayaa waxa uga wada hadleen ballaarinta Sohdimaha ay Caasimad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulan ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho maalintii sabtida aheyd Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) iyo Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuduudaha iyo Federaalka ayaa waxa uga wada hadleen ballaarinta Sohdimaha ay Caasimaddu leedahay.

Guddoomiye Yarisow ayaa tilmaamay baahida loo qabo in Caasimaddu ay sii ballaarato, maadaama xiligan ay ku nool yihiin tiro aad uga badan waqtiyadii hore, isagoo xusay in bulshada Caasimaddu ay tallo ahaan u soo jeediyeen in la gaarsiiyo labada Wabi ee Balcad iyo Afgooye.

Maamulka Hirshabeelle ayaa ka hadlay warka kasoo yeeray Duqa Muqdisho iyo Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuduudaha, kaasi oo ah in Degmada Balcad lagu daro Caasimada Muqdisho.

Afhayeenka maamulka Hirshabeelle Daa’uud Xaaji Ciro oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in halkaasi uu dhaawacayo Dastuurka dowlada Goboleedka Hirshabeelle,isla markaana aan loo dulqaadan kari in Caasimadda Muqdisho in lagu daro Degmada balcad.

Daa’uud Xaaji Ciro ayaa tilmaamay in guddiga Aqalka Sare ee kasoo tala bixinta khilaafadka maamulkaasi ay u gudbiyeen arrinkaan si xalbuuxa looga gaaro.




Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip