Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Oo Gaaray Jowhar

0
Sunday February 26, 2017 - 13:48:36 in Wararka by Xafiiska Muqdisho
  • Visits: 1606
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Oo Gaaray Jowhar

    Waxaa maanta Magaalada Jowhar ee Caasimada maamulka Hirshabeelle gaaray wafdi Balaaran uu hogaaminayo Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulkaasi kuwaasi oo ka ambabaxay Magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa maanta Magaalada Jowhar ee Caasimada maamulka Hirshabeelle gaaray wafdi Balaaran uu hogaaminayo Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulkaasi kuwaasi oo ka ambabaxay Magaalada Muqdisho.

Wafdiga uu hogaaminayay Shiikh Cismaan Barre Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa waxaa Magaalada Jowhar kusoo dhaweeyay Mas'uuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabeelle.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle oo Warbaahinta kula hadlay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Jowhar, ayaa wuxuu sheegay in shaqooyin badan ay horyaalaan Baarlamaanka Maamulka, islamarkaana laga doonaayo inay Xildhibaanada qabtaan shaqooyinkaasi.

Shiikh Cismaan Barre Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle, ayaa si dadban u soo hadal qaaday khilaafka siyaasadeed ee ka taagan Xildhibaanada dhexdooda oo ku aadan sida ay ugu kacsan yihiin Madaxweyne Cali Cabdulaahi Cosoble.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle oo si aad ah uga careysan Magacaabistii Golaha Wasiirada Hirshabeelle, ayaa qaban qaabinaya mooshin ka dhan ah Madaxweyne Cali Cabdulaahi Cosoble.

Magaalada Jowhar ee Caasimada maamulka Hirshabeelle ayaa waxaa ka taagan Xiisad siyaasadeed oo ka dhan ah Madaxweyne Cali Cabdulaahi Cosoble.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip