Alshabaab oo laga saaray deegaano katirsan Degmada Jowhar

0
Wednesday May 26, 2021 - 22:09:20 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 695
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Alshabaab oo laga saaray deegaano katirsan Degmada Jowhar

    Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta la wareegay tuulooyin hoos taga dagmada Jowhar ee Gobalka Shabeellaha Dhexe, sida ay sheegtay warbaahinta ku hadasha afka dowladda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta la wareegay tuulooyin hoos taga dagmada Jowhar ee Gobalka Shabeellaha Dhexe, sida ay sheegtay warbaahinta ku hadasha afka dowladda.

Howlgal oo uu hoggaaminayay Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed General Odowaa Yuusuf Raage ayay ciidanku kula wareegeen deegaanka Warciise oo ka tirsan Jowhar, halkaas oo muddo dheer saldhig u ahayd Al-shabaab.

Waxaa la sheegay in ay ciidanku dhowr jiho ka weerareen deegaanada Qoordheere iyo tuulooyin kale oo hoos taga Biyo Cadde ee gobolkaas

Warbaahinta dowladda waxay sheegtay in jab xooggan loo geystay Alshabaab islamarkaana ay isaga carareen deegaanadaas.

Goor sii horaysa, howlgallo qorsheeysan ayay ciidamadu ka fuliyeen degaanada War dhagax, Gaal leef, Jilable iyo Cali Fooldheere, oo dhamaantood ka tirsan Gobolka Shabeelaha dhexe.

Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay howlgaladan, inkasto ciidamada dowladda ay guulo ka sheeganayaan.


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip