Cali Cosoble oo sheegay inuu wali yahay Madaxweynaha Hirshabeelle

0
Tuesday August 15, 2017 - 17:54:07 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 3215
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cali Cosoble oo sheegay inuu wali yahay Madaxweynaha Hirshabeelle

    Cali C/llaahi Cosoble oo ay shalay xildhibaanada Hirshabeelle ay kalsoonida kala laabteen ayaa ka soo horjeestay, isagoo sheegay in uu yahay Madaxweynaha Hirshabeelle. kaddib markii uu goor dhow shir jaraa'id ku qabtay madaxtooyada magaalada Jow

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cali C/llaahi Cosoble oo ay shalay xildhibaanada Hirshabeelle ay kalsoonida kala laabteen ayaa ka soo horjeestay, isagoo sheegay in uu yahay Madaxweynaha Hirshabeelle. kaddib markii uu goor dhow shir jaraa'id ku qabtay madaxtooyada magaalada Jowhar.

Cali Cabdulaahi Cosoble ayaa sheegay in Mooshinka laga keenay uu yahay sharci darro isla markaana uu dhowaan qabanayo shirka golaha wasiirada dowlada.

"Mooshin la saxiixay la ima siin,labo maalmood in lagu mooshin lagu gudbiyo laguna saxiixo,lixdan iyo lix xildhibaana ma aysan codeyn oo waa been abuur.”ayuu yiri Cali Cosoble

Sidoo kale waxaa uu sheegay in mooshinka waxba kama jiraanka ah ay ka dambeeyaan guddoomiye ku xigeenka labaad ee hirshabelle Canab Axmed Ciise oo dooneysa in tuulada Jawiil ay degmo noqoto iyo dowlada federalka oo uu ka soo horjeestay mowqifkeeda ku aadan taageerida dowlada Qadar.

Sidoo kale wasiirka dastuurka dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa ku tilmaamay sharci daro mooshinkii shalay ay qaar kamid ah xildhibaanada hirshabeelle ay ku sheegeen in ay xilka ugaga qaadeen Madaxweyne Cali Cabdulaahi Cosoble.

Hadalka ka soo yeeray Cali Cosoble ayaa ku soo beegmaya, iyadoo Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Sheekh Cusmaan uu taageeray xil ka qaadistii shalay lagu sameeyay, isla markaana ku tilmaamay inay tahay mid sharci ah.

Xiisad siyaasadeed ayaa ka taagan maamulka Hirshabeelle, iyadoo aan la ogeyn halka ay ku biya shuban doonto, maadaama Madaxweynihii xilka laga qaaday uu wali diidan yahay inuu aqbalo baarlamaanka Hirshabeelana uu labo u kala jabay.

 

Jowhar.com
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip