Musharax Shariif Sheekh Axmed oo noqday miisaanka siyaasada Soomaaliya (Warbixin)

0
Friday December 17, 2021 - 00:57:42 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 765
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Musharax Shariif Sheekh Axmed oo noqday miisaanka siyaasada Soomaaliya (Warbixin)

    Madaxweyinihi hore ee Soomaaliya isla markaana uu markale damac ugu jiro inuu qabto xilka ugu sareeyo dalka mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa waxa uu ilaa iyo iminka umuuqdaa miisaanka ugu culus ee musharaxiiinta tartanka ugu jiro jagada ugu sareyso d

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyinihi hore ee Soomaaliya isla markaana uu markale damac ugu jiro inuu qabto xilka ugu sareeyo dalka mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa waxa uu ilaa iyo iminka umuuqdaa miisaanka ugu culus ee musharaxiiinta tartanka ugu jiro jagada ugu sareyso dalka.

Musharax Sheekh Shariif oo sidoo kale ah gudoomiyaha golaha ee kumidoobeen musharaxiinta xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa indhawaalaba waxa umuuqday mid lasoo baxaayo miisaan siyaasadeed culus taasi oo durba guux xoogan ka dhax dhalisay bulshada Soomaaliyeed.

Shariif Sheekh Axmed oo la rumeesan yahay inuu yahay mudane aad ugalaan gal badan dhanka siyaasada isla markaana taageero aad uxoogan kuleh gudaha iyo dibada dalka ayaa waxa uu iminka umuuqdaa mid ee garab kaga baahan yihiin dhamaan dhinacyada isku haya siyaasada dalka kuwaasi oo qolo waliba xusul duub ugu jirto sida uu dhankeeda ujirsan lahaa.

Xili ee qaar kamid ah musharaxiinta xilka madaxweynaha ee si xoogan uga hor yimideen hanaanka ee usocoto tartanka golaha shacabka Soomaaliya ayaa dhanka kale hogaanka xisbiga Himilo qaran ee qaateen tallaabo kaduwan taa iyagoo dhambaal talo iyo toosin ah ugudbiyay Ra'iisul wasaare Rooble, iyagoo qaatay dhanka toosinta halka doorashada oo idil la qaadici lahaa.

Mudane Shariif iyo saaxibadiisa siyaasada ayaa waxa ee ku laaloonayaan fursad xoogan oo iminka uga dhax muuqdatay qaar kamid ah musharaxiinta ugu tunka weyn mucaaradka iyo dhanka muxaafadka kuwaasi oo dagaal xoogan iminka kudhax marayo dhanka social mediyaha.

Tallaabada siyaasadeed ee Shariifka ayaa waxa ee noqotay mid ee siyaabo kala duwan uga hadlaan qaar kamid ah taageerayaasha dhinacyada isku haya hogaanka dalka iyadoo bulshada inteeda dhax dhaxaadka ah ee u arkeen inuu yahay siyaasi aad ugu haboon dajinta iyo isusoo dhaweynta shacabka taasi oo iminkaba laga dheehan karo tallaabooyinka ee qaadayaan isaga iyo saaaxibadiisa siyaasada.

Warsheekh Muqdisho.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip