Shariifow Shar Ha u Shafeecin!

0
Saturday March 26, 2022 - 21:45:48 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 648
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shariifow Shar Ha u Shafeecin!

    Muuqaal kooban oo uu Madaxweyne Shariif maanta soo duubay wuxuu uga hadlay arrinta Xildhibaan Aamina iyo Doorashada. Dhowrkan su'aalood ayaa iiga soo baxay warkiisa:

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muuqaal kooban oo uu Madaxweyne Shariif maanta soo duubay wuxuu uga hadlay arrinta Xildhibaan Aamina iyo Doorashada. Dhowrkan su'aalood ayaa iiga soo baxay warkiisa:

1. Aamina maanta ma aysan dhiman, maxaa muuqaal intiisa badan doorasho looga hadlayo hadda ku soo beegay? Ma waxaa loogu adeegayaa Musharrax Madaxweyne oo u taagan inuu saxo waxa ay qaldeen kuwa talada haaya? Mase waxaa loogu danaynayaa kuwii la beddeli lahaa oo meel ay ka galaan waayay carada iyo ceebeynta ka imaanaysa bulshada?

2. Wuxuu ka hadlay qofka ay ahayd Aamina, oo uu kusoo koobay "siyaasiyad in mar kale kursi loo doorto u taagnayd". Ma uusan sheegin waxa ay shacabka Soomaaliyeed ku yaqaaneen Marxuumadda oo ah inay u taagnayd raadinta caddaaladda Dhibbane Ikraam Tahaliil.

In uu Sheekhu Aamina ku soo koobo siyaasi iyo musharrax caadi ah waxa ay ka dhignaan kartaa in uu leeyahay "horteed ayaa siyaasiyiin dhinteen ee ha laga gudbo"; waana farriinta ay beryahaan faafinayeen taageerayaasha Villada.

3. Waxa uu inta ugu badan hadalkiisa diiradda ku saaray doorashada, sidii in uu na leeyahay "wax aanan doorasho ahayn aniga shaqo ku ma lihi". Ogow doorashada uu ka hadlayo waa tan uu darteed dhiigga u daatay ee Musharrax hammi fiican lahayd oo caqabad kastoo siyaasi ah oo lagu boobi karay ka soo gudubtay ugu nafteedii loo dhaafiyay.

Haddii kiiskii Ikraam ee caddaaladda ahaa loo hakiyay in doorashada la dedejiyo, markii la dedejiyayna dadkii tartamaayay la dilay, sidee Shariif ugu kalsoon yahay in haddii musiibo kasta layska indhotiro ay doorasho dhici karto? Mase marka berrito musharraxiin Madaxweyne la dilo ayuu haddana dhihi doonaa "inta soo hartay doorashada ha dedejiyaan?"

Maxay tahay qaddiyadda iyo qodobka nin dalkaan hoggaamin raba looga fadhiyo oo ka muhiimsan in dulmiga socda laga hadlo oo afka lagu ballaariyo, si kuwa wax dulminaya ay gabbaad u waayaan dibna ugu gurtaan? Mase isla iyaguu u Shafeeca-qaadayaa?

W/Q. Dhaaley
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip